Dhagayso: Wasiirka Duulista Puntland oo ka jawaabaya eedaha Cabdi Qaybdiid

266
130

Wasaradda Duulista hawadda iyo Garoomadda Puntland ayaa ka jawaabtay eed dhanka Maamul Xaafadeedka Baraxleey uga timi oo salka ku haysa is hortaag  lagu sameeyay garoon diyaaradeed oo sanadkii hore la hirgaliyay.

Wasiirka wasaaraddaas Xasan Cade oo waraysi siiyay Radio Garowe ayaa sheegay inaysan Puntland diidin garoon diyaaradeed oo laga hirgaliyay Gaalkacyo balse arrinta la isku hayaa tahay masaafada ay isku jiri karaan garoonkii horay magalada uga jiray iyo kan Galmudug ay sheegayso inay dhisatay.

Qaybdiid ayaa waxa uu ku booloxoofteeyey haddii aan waxba laga qaban warqada dacwad ah ee uu ka gudbiyay Puntland uu tilaabo qaadi doono wixii ka dhashana uu masuul ka yahay Gaas.

”si looga hortago dhibaato colaadeed oo ka dhacda degaamadaas waxaan ka codsaneynaa madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliyeed iyo bulshada caalamka in garoonka qaran ee ku yaala magalada Gaalkacyo arinkiisa wax looga qabto mudo saddex bari laga bilaabo 21 September 2014 ilaa 24-ka, arintaasi cawaaqib xumadii ka dhalatana masuuliyadeeda, waxaa qaadaya hoggaamiyaha Puntland Cabdiwali Gaas.

Ma jirto cid kasoo jawaabtay dhambaalka dacwada ah ee Madaxweynaha Galmudug  u diray Dowlada Federaalka, Qaramada Midoobay, IGAD iyo Midowga Yurub, waxayna arrintani kusoo aadeysa xilli xiriirka maamullada Puntland iyo Galmudug uu bilihii u dambeeyey ahaa mid aan wanaagsanayn.

Halkan ka dhagayso waraysiga ay Garoweonline ka qaaday Wasiirka

Puntlandes.com

About The Author