Dhagayso: Afhayeenka Gobolka Mudug oo sharaxaya sababta loogu diiday Qaybdiid in ka soo dego Garoomada Mudug

130

Afhayeenka Gobolka Mudug oo maanta, 22 ka sebtember 2014 waraysi uu uga jawaabayo, eedihii Hogaamiye Xaafadeedka Baraxleey Cabdi Qaybdiid ee shalay, siiyey Laanta Af-somaliga BBC wuxuuna cadeeyey in Gobolka Mudug uu hoosyimaado, maamushana uuna ka tirsan yahay dowlada Puntland.

247

Wuxuu kaloo intaa ku daray in uu Xasan Culusoow hub farabaan oo ah kii loogu talogalay Soomaliya in Cadowga looga xoreeyo uu usoo raray Qabqable Qaybdiid si uu dagaal uga abuuro Gobolka Mudug kadib markii ay kooxda Xsan Culusoow ee Villa Waedhiigleey ku fashilantay damacoodii ay damceen in ay ku boobaan Gobolka Mudug.

Ugu dambayntii Afhayeenka Gobolka Mudug wuxuu yiri Gobolku wuxuu hoos yimaadaa Puntland diyaarad aysan Puntland raali ka ahayna kama soo degikarto Gobolka. Wuxuuna ugu baaqay beesha caalamka in ay ildheeraad ah ku eegaan colaada uu hurinayo Xasan Culusoow madaxweynaha Villa Wardhiigleeey.

 

Halkan ka dhagayso Afhayeenka Gobolka Mudug

Puntlandes.com

About The Author