Amakaag, Ashqaraar & Afsalax-ku-dheg

130

Waxaan marka hore ka tacsiyeenayaa faraxumeyntii loogu geystay Garowe Dastuurka Qaranka iyo nidaamkii federalka ahaa oo si fiican loogu qeexay dastuurka qaabka uu noqonanyo iyo sida loo hirgalinayo.

HAG/Heritage iyo Mr. Ceynte waxa ay yihiin inta siyaasada odorastah waa ay ka dheragsan yihiin inta dhaga-dhageysana waxaa uga filan intii ay ka qortay Puntlandi taariikhdu markay ahayd Sep 17, 2014. Waxaa macruuf ah in Hawiye Action Group (HAG) loo unkay in xukunka madaxweyne C/laahi (AUN) laga tuuro shaqsi Hawiye ahna la saaro, taasi markay u fushay, himilo kale ayey dhashay, taasoo ah in xukunka uu noqdo mid sooyaal u ah Hawiye oo qurah. Haddaba si looga miro dhaliyo himilada cusub waxaa magacii HAG loo bedelay Heritage oo macnaheedu yahay sooyaal. Waxaa cad in federal-diidka HAG/Heritage ay ku guuleysteen inay dastuurka ka tuuraan qodobo badan oo uu aqalkii sare ka mid yahay. Waxaa ayaan daro ah in shaybaarkii sameeyey Vaccine-tii Soomaali ka kicin lahaa cudurkan aafeeyey 24ka sano, in maanta shaybaarkii (Puntland) Dhexdiisa lagu barxo daawadii iyadoo looga gol leeyahay inaysan waxba daweyn si macaash aan waligii dhamaan uga helaan ashqaas ama reero gaar ah oo xaruntooda tahay Muqdisho. Waxaase mucsjiso ah in cidii shaybaarka ka mas’uulka ahayd ay ogolaato in copyrights iyo xuquuqdoodii ay ku wareejiyaan mukhalasiintii Damul Jadiid si ay iyadoo barxan u suuq geeyaan, ugana gadaan Soomaali oo idil iyo beesha caalamka labadan qodob oo hoos ku xusan:

a)    In Heritage Foundation aysan ahayn Hawiye Action Group, balse, ay tahay hay’ad Qaran oo cilmi baaris xalaal ah oo dadka reer Puntland xataa ay ku kalsoonaan karaan, ictiraaf fara-badanna ka haysata bulshadeeda rayidka ah.

b)    In cilmi barista ay sameeyeen noqoto mid tashwiish ku furta bulshadii butdhigaha u ahayd federaalka dhexdeeda iyo madaxdeeda, natiijada xog ururinta ay shaacin doonaan-na loo dhigo in dadka reer Puntland xataa aysan jecleen nidaamkii uu ugu yeeray Ceyne “Institutionalized Sectarianism,” ama qabyaalada sharciyeysan.

Waxaa amakaag ku noqday dad badan oo taageersanaa dowlada Dr. Gaas sida arintaan ay ugu ogolaadeen HAG/Heritage iyagoo dhinacna ka leh waxaan xariga u jarnay siyaasada guracan ee Muqdisha. Misana ka caban jiray in Muqdisho ay caadeysatay sheegashada Ururo Qarameedyo ciidaas ka badan, sida kan Haweenka, Isbotiga, Culimada, Odayaasha Dhaqanka, iwm. Sidee bay ku dhacday in arimaha federal loogala hadlo hay’ad magac raadis ah oo federal-diid ku caan baxday? iyadoo ay ayaamo qurah ka harsan tahay 30kii beri oo DFS loo qabtay. Ulama jeedo in Madaxweynaha ay howshiisii tahay, maxaa yeelay Madaxweyanaha maaha Micro-Manager, laakiin waxaa haboon inuu ardaaga iska bedelo.

Waxyaabahaas oo dhan waxaa looga baahan yahay inay ka jawaabaan aqoon yahanada reer Puntland dibad iyo gudaba meel ay joogaan. Maxaa yeelay dowladaan maaha mid u diyaar ah inay wacyiga wadanka ka jirah ay ka turjunto. Maxaa yeelay waanu ognahay inaysan Soomaali xor ahayn oo dusha looga taliyo. Waxaanu kaloo ognahay in aynaan Soomaali rabitaanka reer Puntland oo qurah guumeysiga looga saari Karin. Sababtoo ah dadkii loo idmaday inay Soomaali duliga ka saaraan baanu aragnaa inay carab dalab leh ku hadlayaan oo ay dadkooda ku awr-kacsadaan iyagoo isticmaalaya nacaybka reer Puntland. Taasi waxaa markhaati ka ah video-kii Jawaari uu ku argagaxay markuu ogaaday inay camero duubeyso. Ma waxay ahayd inuu la xisaabtamo Kenya, Ethiopia, iyo so called beesha caalamka, mise, waxay ahayd inuu Soomaali aan xor ahayn cadaawad sii kala dhexdhigo guumeysiga ay dadka ku jiraan-na uu ku sii fogeeyo. Sidaa awgeed dowladda Puntland waa inay ogaataa in waxna la wada lee yahay waxna la kala leeyahay. Haday Soomaali doon noqoto iyo haday xornimo doon noqoto waa la wada leeyahay, laakiin, marka hore waa in laga arkaa kuwa magaca dowlad Soomaaliyeed sheegta balse ay caalamku mushaarka siiso kuna shaqeysato.  Inta aan Soomaalinimo laga dheehan Karin mas’uuliyiintaas waa in Puntland ay qori dheer uga fogeysaa qowleesatadaas masiirkan ummada reer Puntland ay idiin idmatay. Haddii aad iyaga u daba fadhiisataan taariikhda Soomaaliya iyo tan Puntlandba waa mid mugdi waligeed ku jiri doonta.

Waxaan isweydiiyey marka Puntland ay xayeysiin u sameeneyso amaba resume-ga ay u qurxinayso HAG/Heritage, maxaa u diiday inay dowrkooda siiso aqoonyahannada firfircoon xoggogaalkana ah sida hogaamiyaha ururka Iftiimin Mudane. Ismaaciil Aaden Diiriye oo aan hubo inuu kaga sareeyo balaaqada diinteena suuban iyo cilmiga maadiga ahba qoladan HAG/Heritage horbooda. Haddii Xasan Culusow wiilashii uu empower-gareystay ay kaa gadaan inay federaalka u ciidaminayaan amaba ay Soomaaliya xalkeeda daneynayaan waa nasiib daro. Waxaan hubaa mudane madaxweyne inaad la jeceshahay Soomaali oo idil wanaag sidii kuwii adiga kursiga Puntland kaaga horeeyey, laakiin waxaa haboon inaad aashaa jeclaatid waa intaasoo aan jeceylka lagula wadinne.

Wabilaahi Towfiiq
By: Ahmed Yusuf Ahmed 

Xigasho;http:: dunidaonline.com

Daabacaada: Puntlandes.com

About The Author