Akhriso: War murtiyeedka laga soo saaray Shir Madaxeedka IGAD
14 sept 2016 (Puntlandes) Shir Madaxeedkii IGAD ee lagu qabtay magaalada Muqdisho ayaa laga soo saaray war murtiyeed ka koobnaa 22 qodob, iyadoo Wasiiradda Arrimaha Dibadda Kenya Amnia Mohamed ay saxaafada u akhrisay.
Madaxda IGAD ayaa sheegay inay ixtiraam u hayaan adkeynta madax banaanida, midnimada dhulka iyo dadka Soomaaliyeed, iyagoo caddeeyay in lagama maarmaan ay tahay in loo daayo ka tashiga aayahooda
IGAD ayaa soo dhoweeyay go’aanada Madasha hoggaanka qaranka iyo doorashadan sanadkan 2016 ka dhaceyso dalka, sidoo kale waxay ku baaqeen in la qabto doorasho hufan, xor ah, isla markaana waqtigeeda ku dhacda.
Hoose ka akhriso War murtiyeedka oo ku qoran Luqada English-ka
Puntlandes.com