Daaw Video-Sawirro: Duqa dagmada Gaalkacyo oo Suuqa kormeeray kana hadlay Ganacsatada yar yar ee Dayacan.
14 sept 2016 (Puntlandes) Maamulka dagmada Gaalkacyo oo uu hogaaminayao Gudoomiyaha Degmada, kuxigeenkiisa iyo Xoghayaha Degmada Gaalkacyo, ayaa waxaa ay u kuurgaleen xaaladda Ganacsatada kala gadisan ee magaalada Gaalkacyo, iyagoo qayb qayb u waraystay qaybaha kala gadisan ee ganacsatada.
Madaxda maamulka dagmada ayaa waxay booqdeen Suuqa qaybiisa hilibka, Dahabka, Qudaarta iyo qaybta waratada noocyada kala gadisan, waxaana uu mid kasta ka waraystay haddii ay jirto tabashooyinka ay ka qabaan u adeegayaashooda ka qaada Canshuurta.
Gudoomiyaha Degmada Gaalkacyo Maxamuud Yaasiin Tumey ayaa sheegay in laga bilaabao maanta ganacsatada yar yar ee ku dayacan banaanka ay gayn doonaan meelo u gaar ah oo ay ugu horayso suuqa weyn ee xero dayax, halkaas oo laga dhisay suuqyo kala gadisan sidoo kalana ay ku yaalaan dhul badan oo banaan.
Waa markii ugu horaysay oo tilaabadaan oo kale uu qaado Duqa dagmada Gaalkacyo, Tumey ayaa sheegay in ay doonayaan in hagaajiyaan, hanaanka Ganacsiga dagmada Gaalkacyo.
Daawo Sawirro.