Daawo Sawirrada Shirkii Madasha Qaran oo lagu soo gaba gabeeyay magaalada Muqdisho

14 sept 2016 (Puntlandes) Waxaa goordhaw lasoo gaba gabeeyay shirka madasha wadatashiga Hogaamiyayaasha Qaranka, kaas oo mudo dhowr cisho ah ka socday Magaalada Muqdisho.

Qodobo kala duwan ayaa laga Akhriyay munaasabad kooban oo lagu qabtay Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya.

Madasha ayaa isku raacday in la dardar galiyo hawlaha soo xulista labada Aqal ee Baarlamaanka iyadoo gudiyada kala duwan ay dardar galinayaan hawlahooda.

Wariyaha warbaahinta Qaranka ee ku sugan madaxtooyada Soomaaliya ayaa soo sheegaya in dhamaan xubnaha Madasha ay soo dhoweeyeen qodobada ka soo baxay shirkaan.

Waxaa shirka goob joog ka ahaa Madaxdii xilkoodu dhamaaday ee DFS iyo madaxweynayaasha Puntland, Koofur Galbeed, Jubbaland oo qaarkood saaka dib ugu soo laabteen Muqdisho.

Munaasabada lagu soo bandhigayay war murtiyeedka ayaa waxaa ka maqnaa Madaxweynaha Galmudug C/kariin Guuleed, inkastoo uu horay goob joog uga ahaa shirarkii Madasha ay ku yeelatay Muqdisho intii u dhaxeysay 6-12 bishan
01
02
03
04

Puntlandes.com

About The Author