Gaalkacyo: Iska hor imaad ka dhacay aga heema oo khasaare Sababay
24 sept 2016 (Puntlandes) Iska hor imaad u dhexeeya Ciidanka daraawiishta Puntland oo gal binayey gaadiid dagaal oo ay leedahay Galmudug ayaa waxaa uu ka dhacay meel ku dhow deegaanka Heema oo ka tirsan Degmada Gaalkacyo.
Ujeedka dagaalkaan ayaa salka ku hayey iyada oo Dowladda Puntland ay Dekadda Boosaaso ka soo dajisay, gaadiid dagaal oo uu leedahay maamulka Galmudug, kaas oo shaki badan galiyey shacabka walaacna ku abuursy maadaama ay dagaalkii ka dhacay Koonfur bari Gaalkacyo uu ahaa mid Galmudug kusoo qaaday xoolo dhaqatadii halkaa dagaynayd ee kasoo jeeday Puntland, ayna ka qayb galeen, saraakiil heer Federaal ah, kuwo heer Galmudug ah iyo Gaadiidkooda dagaalka.
Kadib markii ay soo bexeen in Galmudug loosoo dajiyey Gadiid dagaal oo kala duwan, ayaa waxaa biloowday Kacdoon ay sameeyeen Xoolo dhaqatadii Bariga Mudug, kuwaas oo xalay dagaal kala hor tagay gaadiidkii ay lahayd Galmudug iyo Ciidankii Puntland ee Galbinayey.
Inta la xaqiijiyey Hal nin ayaa ku dhintay, kaas oo ka tirsanaa ciidanka xoolo dhaqatada Bariga Mudug oo haatan wali difaac uga jira ciidanka Galmudug.
Xiisad ayaa magaaladda laga dareemayaa, inkasta oo aysan haatan jirin wax dagaal ah oo taagan, Isla xalay ayey ahayd markii uu ay ciidanka amaanku rasaas ku asqaysiiyeen, dadka ka adhawaa aaga suuqa weyn ee Barwaaqo iyo laamiga dheer inta ku xeeran, Mar ay Galbinayeen gaadiid kuwa Xoolaha Qaada ah oo kusii jeeday Boosaaso.
Puntlandes.com