Maqaal: Go’aankii Geesinimada Lahaa, Taariikhigana Ahaa Ee Eng. Cabdixakiin Cumar Camay

Gaadiid Xoolo sida oo taagan Kantaroolka Koonfureed

Waxaan marka hore taagyeerayaa mudaharaadkii ka dhacay magaalada Gaalkacyo September 22, 2016, kaasoo ay soo qabanqaabiyeen bulsho weynta Gaalkacyo. Bulshadaas oo isugu jirtay arday, gaadiidley, ganacsato, iyo shacabweynahaba waxay siweyn u taagyeerayeen go’aankii kala wareejinta gaadiidka qaada xamuulka badeecadaha iyo xoolaha ee magaalada Gaalkacyo.

img_6806
Marka xiga waxaan taagyeerayaa go’aankii geesinimada lahaa, isla markaasna taariikhiga ahaa, ee samigay Eng. Cabdixakiin Cumar Camay, oo markaas ahaa si hayaha Madaxweynaha DGPL, soo saaray 8/24/2016, kasoo ku saabsanaa kala wareejinta badeecaddaha iyo xolaha ka yimaada Koonfur Soomaliya iyo Puntland.

Go’aankani wuxuu salka ku hayaa sidii xal waara logu heli laha nabadgalyo xumida ka jirta magalada Gaalkacyo oo indhawaalaba noqotay xero lagu ugaarsado caalimka, caaqilka, waxgaradka, iyo haldoorka bulshada reer Puntlanda ee magaalada Gaalkacyo jooga ama ku nool. Falalkan argagaxisada ah waxay kaloo dhaliyeen in dad badan oo gobolka u dhashay ay ganacsigoodii ula wareegeen magaalooyinkale, nabadgalyo xumida magaalada ka jirta awgeed.

Muxuu Go’aankaani Uga Duwanyahay Kuwii Ka Horeeyey?

Dabcan sida aynu wada ogsoonnahay, dilalaka qorsheysani mudu dheer ayey ka jireen magalaada Gaalkacyo. Cid loo soo qabtayna wey yaryihiin. Teeda kale, Madaxda Dawladda Puntland, hadda ka hor, wax la sheegi karo oo ay qabteen  sidii looga hortiga lahaa ama loo yareynlahaa inayna kuwa kale dhicin ma jiraan, oo an ka ahayn isku shaandheyn sidii turubkii madaxda iyo saraakiisha ciidanka gobolka Mudug.

Gaadiid Xoolo sida oo taagan Kantaroolka Koonfureed
Gaadiid Xoolo sida oo taagan Kantaroolka Koonfureed

Nimanka wax dilaya ama isqarxinaya waxay u badan yihiin kuwo ka yimid Koonfurta Soomaaliya. Bistooladaha iyo qalabka wax lagu dilayo ama lagu qarxinayo Gaalkacyo laguma suubiyo iyo wadanka toona, balse badidood waxay ka yimaadaan Koonfurta Soomaaliya. Gaadiidka lagu qarinayo nimankaan iyo qalabka ay wax ku fulinayaan waxay ka yimaadaan badidood Koonfurta Soomaaliya. Markay fuliyaan falalkooda argagixiso, waxay u baxsadaan Koonfurta Soomaaliya. Bal is weydii, madax la isku shaandheeyey maxay ka qaban karaan inta an kor ku soo xusay???
Tusaale, qaraxii ka dhacay Libnaan 1983 oo ciidamo badan oo ka tirsan ciidamada mariinada mareykanka ay ku dhinteen, waa mida dhalisay markii uugu horeysay  in dhagxaan shub ah lagu wareejiyo dhismaayaal badan oo wadanka Mareykanga gudihiisa ah, haba u badnaadaan kuwa dawladda, si looga hortago ismiidaamis noocaas oo kale wadanka gudihiisa.

 

2001, ninkii isku deyey inuu diyaarad uu fuushanaa oo u socotay Mareykanka ku qarxiyo bambo uu ku soo qariyey kabihiisa, nasiib wanaagse uu ku guul daraystay, waa tii dhalisay intaan diyaarda la fuulin in kabaha la iska siibo si loo mariyo x-ray mashiin. Shacabkuna ma dhibsan ee waa soo dhaweeyeen, waayo waxa laga talinayaa waa maslaxadooda iyo nabadgalyadooda.

Dabcan, waan ogsoonahay inaan la is barbar dhigi karin Mareykanka iyo Puntland amaba Soomaliyaba, dhan walba. Mar haddiise nimankaan xagjirka aynan ku deyneyn, waad ku khasbantahay inaad kula dagaalantid waxii awoodaada iyo karaankaagu kuu masaabaxaan.

Go’aankan Mudane Camay, Saraakiisha Amaanka ee DGPL, oo an isleeyaha iyagoo la tashanaya madaxa, saraakiisha, iyo waxgaradka gobalka Mudug ay soo saareen waa mid ilka wax lagu gooyo leh, bilow ah, oo ila iyo xad wax ka tari kara nabadeynta Gaalkacyo.

Sida an isleeyahay, Go’aankani labo shay ayuu diirada uugu weyn saarayaa. Dadka ka imanaya koonfurta Soomaaliya ee dhalinyarada labaatan jirka ah iyo kuwa ka sii yaryar oo aalaabaa loo nisbeeyo inay yihiin kuwa loo soo adeegsado fulinta falalka argagixisnimada la xariira. Waa lagama maarmaan dhilnyaradaan in la ogaado meeshey ka yimaadeen, meeshay u socdaan, iyo danaha ay ka leeyihiin meeshey u socdaan.

Tan labaad waa gawaarida iskaga gooshta Puntland iyo Koonfur Soomaaliya, nooc kaste ha noqdaan. Waa iyaga waxa qaada dadka wax dilaya ama isqarxinaya iyo waxay wax ku qarxinayaan ama ku dilayaan. Haddii dhagarqabayaashu shalay si bareera ah hubka usoo galin jireen magaalada ama badeecad ugu soo dhex qarin jireen, maanta way ogaadeen in shaxdii is badeshey. Eeg, hubka wax lagu dilayo ama lagu qarxinayo waa hub yaryar oo meelo badan oo gaariga gudihiisa ama candhadiisa hoose lagu soo qarin karo. Ma haysatid qalab casri ah oo ad ku baartid gawaarida. Waana taan isleeyahay waa mida keentay in gadiidka xamuulka badeecadda iyo xoolaha soo galaya ama ka baxaya Puntland lagu kala wareejiyo magaalada Gaalkacyo, iyado isla markaasna rakaabka iyo badeecadahaba si weyn loo baarayo.

Fikirka cusub oo hadda la leeyahay gadiidka xoolaha sida 30 casho ha la siidaayo, inta laga sameynayo meel biyo iyo baadba leh oo lagu kala wareejiyo, waxaan qabaa fikir ka duwan. Go’aankii hore yaan waxba laga badalin inta laga darsayo dhibkiisa iyo dheeftiisaba. Teeda kale, mushkiladu marna ma ahayn badeecadda saxda ah iyo xoolaha toona; waa gawaarida lagu soo raro oo hub lagu soo qarin karo. Qolyaha fikirkan cusub hor boodaya ma damaanad bay ka haystaan dhagarqabayaasha inayna bishaas wax hub ah ku soo qarin doonin gawaarida sida xoolaha???

Teeda kale wax la kala wareejiyo gawaarida xoolaha sida ayaa uugu fudud. Waayo, hadaad labada gaari dabadooda isku soo dhaweysid, laba qalbac oo safiito balaaran, oo la isku musbaaray si loo adkeeyo, dhigtid labada gaari meesha u dhaxaysa, wax nusa saacad ka yar ayaad ku kala wareejin kartaa. Waa iga tusaale, balse waa hubaa in si ka fiican loo habeyn karo, waayo aqoontii iyo qalabkiiba waad heysataan.

Waxaan kaloo fikirkan fasaxaada gawaarida xoolaha sida uuga soo horjeeda, in badan oo an ka mid ahay ayaa qabta in ay jiraan ganacsato iyo siyaasiin ka soo horjeeda Go’aanka gabi ahaanti. Balse an u bareeri karin inay sidaas yiraahdaan, waayo weli dhaawicii ayaa isbitaalada yaal, burbrkii baahsanaa ayaa muuqda, dhiigii daatey ayaa dhulka yaal. Marka waxaa laga yaaba inay dan bidaan in tiirarka Go’aanku ku taaganyahay mid mid ay u siibaan. Yaan laga yeelin.

Gunaanad, Go’aankan ugu yaraan muddo sand ah haloo dayoo sida uu yahay, oo in wax lagu kordhiyo mooye yaan wax laga dhimin. Sanadkaasi wuxuu ku siinayaa khibrad iyo macluumaad badan oo ad dabadeed wax uuga badali karto,haddii loo baahdo

Rabbow Tubta Toosan. Amiin.
Abdihakim Hassan Hersi

Daabacaadii Puntlandes.com

About The Author