SAWIRRO: Dhalinyaro Gacanta ku Dhigay Magafe Soomaali ah oo Dadka ku Silcin Jiray Dalka Liibiya.
September 27, 2016 – Dhalinyaro Soomaali ah oo ku sugan magaalada Milaano ee dalka Talyaaniga ayaa waxa ay soo ogaadeen in uu dalka Talyaaniga soo gaaray Muqalas caan ka ahaa gudaha dalka Liibiya kaas oo dhibaatooyin kala duwan u soo geeystay waliba in mudo ah ku silcin jiray Saxaraha iyo dalka Liibiya.
Muqalaskaan oo magaciisa lagu soo koobay Ismaaciil ayaa waxa uu ka tirsanaa kooxda loo yaqaan Magafe ee dadka Tahriibisa waana Soomaali inta badan loo soo adeegsan jiray Soomaalida kale.
Dhalinyaro badan oo Ninkaan soo weerartay ayaa waxa ay sheegeen in uu ku soo silciyay gudaha dalka Liibiya ayna Maxkamad la kori doonaan .
Ninkaan Muqalaska ah oo maalin cad lagu dhex garaacay magaalada Milaano ayaa waxaa kiiskiisa la wareegay ciidamada Booliiska dalka Talyaaniga, kuwaas oo hadda baaritaano hor dhac ah ku hayo, waxeyna horay u sii kaxeeysteen dhalinyaro fara badan oo Wiilal iyo Gabdho iskugu jira si ay Maxkamada uga hor cadeeyaan dambiga loo heesto ninkani muqalaska ahaa.
SAWIRRO.
XS;Calanka