Garoowe: Dowladda Puntland oo dajinaysa Qorshe 3sano ah (Akhriso+Sawirro)
Kulan lagu dajinayo qorshaha sadexda sano ee soosocda, lagu hagi doono hanaanka duruufaha dowladda Puntland, ayaa ahaa mid isku waydaarsanayey fikirka dajinta hanaan ay ku wada shaqeeyaan Wasaaradda Qorshayta iyo Ha’addaha Caalamigaa.
Wasiirka wasaaradda Qorshaynta iyo xiriirka caalamigaa ee Dowladda Puntland Dr Shire Xaaji Faarax, ayaa waxaa uu sheegay in qorshahaani yahay mid lagu saleeyey xaqiiqda dhabtaa ee jirta, ayna horay uga qayb qaateen, dhamaan qaybaha kala gadisan ee Dowladda, wakhti dheerna la galiyey.
Qorshahaann ayaa qab ka ah Qorshaha Shanta sane ee socda, sida uu wasiirku xaqiijiyey, kulanka amaanta ayaa diiradda lagu seeray dib u eegis in lagu sameeyo qorshaha Sanadaha 2017,2018 iyo 2019.
Kulankaan ayaa waxaa ka hadlay kasoo qayb galayaashii oo ay ka mid ahaayeen, Ha’ayaddah Unka, oo masuuliyiintii u hadashay ay aad u bogaadiyeen una soo dhaweeyeen, iyaga oo ku tilmaamay Tilaabo hor marineed oo aad loogu baahnaa, ayna sidaas ku garabtaanan doonaan Dowladda Puntland iyo Qorshayaasheeda hormarineed.
Daawo Sawirro.