Maxaa ka soo baxay shirkii Golaha Wasiirada Puntland ”Dhaqan gelinta Sharciga iibka Qaranka”?

317

130

Gaalkacyo(Pes): Shirkii Khamiisleha ahaa ee Golaha Wasiirada Dowladda Puntland ee maanta ayaa waxaa shir gudoominayey Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas kaasoo looga hadlay dhaqan gelinta sharciga ”iibka qaranka” waxaa kaloo aad loogu jeexjeexay in la is amaanaa ma xumee waxqabadka xukuumada uu madaxda ka yahay Dr Gaas iyo mudadii ay jirtay.

Waxaa wax lala yaabo ah in aan lagu soo qaadin arinta magaalada Gaalkacyo ka soo cusboonaatay oo garoonkii diyaaradaha ee Cabdulaahi Yuusuf ay ku xireen Kooxda uu Xasan Culusoow ka soo diray Villa Wardhiigleey ee uu hogaaminayo Cabdi Qaybdiid. Gaalkacyo caawa xaaladeedu waa allow sahal, Ayroboorkeediina waa xiran yahay! Xukuumada Gaas na waa is amaanaysaa.

Xukuumada maxay ugala jeedaa ”iibka Qaranka”? Mase sheegi kartaa wax ay qabatay intii ay jirtay wax ay dhumiso maahee?

 

Halkan ka akhri wixii ka soo baxay shirkii maanta ee Golaha Wasiirada Puntland

315

316

 

Puntlandes.com

 

About The Author