Warsaxaafadeed-Sawiro: Maxaa ka soo baxay shirkii aan caadiga ahayn ee maanta Dowlada Puntland uga hadashay Colaaada Gobolka Mudug ka wado Qaybdiid

321
130

Golaha Xukuumadda Puntland iyo Saraakiisha Ciidadama qaybahooda kala duwan ayaa kulan aan caadi ahayn oo looga hadlayay amaanka Gaalkacyo ku yeeshay magaalada Garowe ee Caasimada Puntland.

Shirka ayaa ayaa looga hadlay hadalo hanjabaad ah oo maalmihii ugu dambeeyay uu Saxaafadda marinayay Cabdi Xassan Cawaale Qaybdiid oo ka mid ah Hogaamiyaasha Xaafada Baraxleey.

Gabagabadiina shirka ayaa laga soo saaray Warsaxaafadeed ka kooban Todobada Qodob,kuwaasi oo Puntland ay diirada ku saartay Gobolka Mudug

Qodobada koowaad ilaa lixaad waxay ahaayeen kuwo aan duluc xambaarsanayd xataa hadii lagu daro kan lixaad oo Qaybdiid lagu dacweeyey Beesha caalamka.

Qodobka 7aad ayaa ahaa midka kaliya ee nuxurka xambaarsan iyadoo ay dowlada Puntland soo dhawaysay wadohadal nabadeed iyo daris wanaag iyadoo tixraacna ka dhigatay sida uu qorayo dastuurka Puntland. waxay kaloo dowlada Puntland cadeysay qeexdayna in aysan gor-gortan ka galayn  Xuduudeeda iyo goobaha Halbowlaha u ah Nolosha dadkeeda

 

Waxa in la iswaydiiyo mudan xukuumada Puntland ee uu garwadeenka ka yahay Dr Gaas ma aamuskey ugu baxdaa? Nudo Asbuuc ah ayaa Qaybdiid booloxoofto iyo goodin ku jiray isagoo meel walba la taagnaa. Hada oo Garoonkii Caasimada Gobolka Mudug ee Gaalkacyo indhaha uu isugu laabay qabqable Qaybdiid jawaabtii xukuumada Gaas ma saanay noqotay? Berina waxay u ogolaan doonaan dalabkiisa ahaa aan wadayeelano, wadamaamulno, qaybsanana dhaqaalihiisa.

Halkan ka akhriso Warsaxaafadeedkii Xukuumada Gaas

318

319

Puntlandes.com

About The Author