Sidee Gaalkacyo Garoonkeeda lagu wada karaa, haddii aysan jirin meel kale oo la wada leeyahay?

323

130

Hogaamiye Xaafadeedka Baraxleey ee ku taala Koonfurta Magaalada Gaalkacyo ayaa shalay 25 kii sebtember 2014 waraysi uu siiyey VOA somali, Halkan riix si aad u dhagaysato, wuxuu ku sheegay in arinta la isku hayaayi tahay garoon Qaran oo dadka ka wada dhexeeya iyo mid dad gaar ah oo ganacsato gaar u leeyihiin. Wuxuu intaa ku daray in Puntland iska maamulato isna siisay hanti ummadda ka wada dhaxaysa. Waxa kaliya oo ay nabadi ku imaan kartana ay tahay in isaga iyo Puntland wada maalulaan dhaqaalaha ka soo xaroodana ay qaybsadaan maadaama uu yahay Garoon wax uu ugu yeeray ”ummad ka dhexeeya”.

 

Waa yaabe goormaa Somamiyi wax ka dhexeeyeen tan iyo Bur-burkii dawalnimada Somalia janaayo 1991? Aan waydiine Qaybdiide Berbera ma la wadaagaa? Hargaysa ma la wadaagaa? Baladweyne ma la wadaagaa? Xamar ma la wadaagaa? Gurayihii iyo hantidii reer Puntland ee ku yaalay Koonfur gaar ahaan caasimadii hore Xamar ee ay boobeen Qaybdiid iyo tolkii meeye? Ma sheegi karaa hal wax oo Somaliyi maanta wadaagto?

Sidee buu ku hamiyey ama damcay in uu Gaalkacyo dadkeeda la wadaago?

 

Qaybdiid ma oga miyaa Somalinimadii ay jarta ka tuureen isaga iyo Tolkii markii ay soo noqoto in ay imaanayso in wax la wadaago inta ka horeyana ay tahay nin waloow yeelkaa. Mise waxay istuseen in ay maanta ugu jilicsan tahay Puntland oo ay boobi karaan. War meesha dad baa leh ilaashanaya dhulkooda booloxooftana iyo hamhamna aan wax looga qaadayn.

Qoraalkani wuxuu ku socdaa Kooxda Qaybdiid oo ay ka mid yihiin inta la fikirka ah ee uu ka mid yahay Xasan Culusoow

Puntlandes.com

About The Author