Sawirro: Musharax Jibriil Ibraahim oo kulan la qaatay qaybaha bulshada Garowe
8 okt 2016 (Puntlandes) Musharax Jibriil Ibraahim Cabdulle ayaa xalay kulan xogwaran ah la qaatay Aqoonyahanada, Siyaasiyiinta, Haweenka iyo dhalinyarada ku dhaqan Magaalada Garoowe ee Caasimada Dowladda Puntland.
Musharax Madaxweyne Jibriil Ibraahim Cabdulle ayaa ka xog-waramay marxalada dalka uu ku jiro iyo siyaabaha looga gudbi karo isagoo sheegay in dalka Soomaaliyeed u baahanyahay in la gaarsiiyo dowladnimo iyo horumar waarah.
Musharax Jibriil Ibraahim Cabdulle ayaa sheegay in dowladda hada jirtah ay ku guuldaraysatay afartii sano ee ay jirtay howlihii loo igmaday waxaana uu sheegay madaxda hada joogtah ka gaabiyeen gabi ahaanba howlihii qaranimo ee loo igmaday hadana ay doonayaan inay markale dalka hogaamiyaan arintaas oo ku tilmaamay mid aan la qaadan karin.
Musharax Jibriil ayaa sidoo kale sheegay in dadka Soomaaliyeed aysan isnecbayn balse ay kala baqayaan oo kala qabaan shaki waxaana uu intaa raaciyey in loo baahanyahay in lasoo celiyo kalsoonidii iyo is aaminaadii ummada Soomaaliya waxaana uu sheegay in hadii uu xilka ku guulaysto uu ahmiyada kowaad siinto dib u heshiinta iyo midaynta Ummada Soomaaliyeed.
Musharax ayaa ugu baaqay Odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed iyo Madaxda maamul gobaleedyada inay soo xulaan xildhibaano ka saari kara Ummada Soomaaliyeed marxaladaan qalafsan ee ay ku jirto isagoo ka digay in musuqmaasuq iyo nin jeclaysi laga digtoonaado.
Dadweynihii kasoo qayb-galay kulanka ayaa su,aalo waydiiyey ku aadan arimaha Soomaaliya iyo waxqabadkiisa waydiiyey Musharax Jibriil Ibraahim waxaana musharaxu uu ka jawaabay su,aalaha la waydiiyey.
Daawo Sawirrada
Puntlandes.com