Bal daawada Videogan: Mudug iyo Galgaduud kuwii … Qaybdiid

130

Gaalkacyo (Pes): Hogaamiye cabdi Qaybdiid ayaa shalay 25 kii sebtember mar uu ka hadlayey Cadaado oo uu ka soo degay waxaa uu sheegay qabiilada dega Mudug iyo Galgaduud uu ku casuumayo shirka maamulka ay ku dhisanayaan ee Cadaado ka furmidoona.

Wuxuu u gacan haadiyey qaliilooyinka dega Gobolka Mudug oo hoos yimaada dowlada Puntland. Isagoo yiri kuwa wax ku leh Gudiga farsamada, kuwa aan wax ku lahayn, kuwii Villa Wardhiigleey joogay iyo kuwaan joogin ha yimaadaan waa u furan yahaye.

Qabaa’ilada Qaybdiid u gacanhaadinayo oo aan ku jirin waxa ay ugu yeeraan ”Gudiga Farsamadda” oo uu Xasan Culusoow ka reebay  isagoo ka cabsaday indhaha Beesha Caalamka waa kuwa reer Puntland.

Reer Puntland maanta maalin ay isaga duuban yihiin ma jirto Qaybdiid iyo kooxda Villa Wardhiigleeyna waa riyoonayaan

Halkan kadaawo Qaybdiid

Puntlandes.com

About The Author