War Deg Dega: Hogaamiye Cabdi Qaybdiid oo hanjabaadiisii ugu dambaysay caawa ku Hanjabay

130

Gaalkacyo (Pes): Hogaamiye Cabdi Qaybdiid oo caawa ku soo laabtay Xaafada Baraxleey ee darafka Koonfureed ee Magaalada gaalkacyo ayaa soo jeediyey hanjabaadiisii ugu darnaydoo ku wajahan Puntland ka dib markuu yiri haddii Diyaaradi timaado beri waa in la weeraraa C/laahi Yuusuf Airport.

Waxaa ugu soo horaysa Beri subax haddii Allah idmo diyaarada qaadka keenta oo ka soo degta Garoonka qiyaastoo 06:00  ama lixda subaxnimo. Qaybdiid ayaa waxuu malayshiyadiisa amar ku siiyey in ay weeraraan Garoon beri haddii Diyaaradi soo degto sida Puntlandes ay ka helayso ila madax banaan oo ku sugan Caasimada Gobolka Mudug ee Gaalkacyo.

Cabdi Qaybdiid ayaa wuxuu sheegay in ay shaqaysay xayiraadii uu saaray C/laahi Yuusuf Airport isagoo hadalka ku sii daray in ay maanta yimaadeen Diyaaradii jaadka oo dhuumasho li degtay iyo mid Xujey qaadaysay oo iyana dhuumasho ku duushay.

Wixii war ah ee ku soo kordha Bootada Qaybdiid ha ka agdheeraan Puntlandes.com

Wariyaha Puntlandes ee gaalkacyo: Mahamood dahir

 

Puntlandes.com

 

About The Author