Gaakacyo: Qaydiid isagaa ”la fadsiiyey”

Gaalkacyo(Pes) Iyadoo Cabdi Qaybdiid ku goodiyey shalay inuu weerarayo maanta haddii Diyaaradi isku daydo in ay soo cagadhigato C/laahi Yuusuf Airport ayey waxay noqotay booloxooftayn ay waxba kama jiraan ka dhigeen Ciidanka Puntland.

Ciidamada kala duwan ee Puntland ayaa indhaha ku haya dhaqdhaqaaqa Cabdi Qaybdiid waxayna balan qaadeen in Xabad laga soo rido Xaafada Baraxley aysan dhaceyn marakan.

Garoonka C/laahi Yuusuf Airport iyo Shirkadaha Diyaaradaha oo kalsooni buuxda ku heysta amaanka Garoonka ayaa howshooda shaqo caadi u wata, waxaana saaka oo sabti ah Garoonka ka soo degey Diyaarahii la sugayay oo laba ahaa. Waxaa kaloo la sugayaa duhurnimada iyo Galabtana Diyaarado kale.

 

Mar uu makarafoonka la dhxqaaday Warsibaahinta Puntlandes Shacabka Magaalada Gaalkacyo ayey waxay u sheegeen in uu helayo Qybdiid wuxuu doonayo isagoo gacmaha dhiig fara badan ku leh xasuuqayna maato ayaan soo dhawaynay hadana ma dhiig kaluu u ooman yahay. Bal ha bilaabo Xabad aynu aragno meeshuu ku dambeeyee ayuu yiri nin  oday ah oo reer Gaalkacyood ah.

Laga soo bilaabo 30 kii july 2014 mar uu ka hadlayey Villa Wardhiigleey ilaa shalay Cabdi Qaybdiid wuxuu saxaafada marinayey goodin, hanjabaad iyo Booloxoofto isagoo qorshihiisu ahaa in uu dagaal iyo fitno ka abuuro Gobolka Mudug ee Puntland. Dagaalkaas oo ah qandaraas uu ka soo qaatay Casan Culusoow maxada kooxda Villa Wardhiigleey.

 

Waxaa la xusuusta markuu Villa Wardhiigleey ka lahaa ”Fad ama ha fadin waa lagu fadsiin” oo uu ula jeeday rab ama ha rabin Mudug waanu qaadan. Maanta Cabdi Qaybdiid isagaa la Fadsiiyey mar haddii Goodintiisii ay noqotay hal bacaad lagu lisay. Mar hadduu ku dhuumaalaysanayo Baraxleey. Mar haduusan ku guulaysan in uu xiro C/laahi Yuusuf Airport.

Gaalkacyo Puntlandes

Puntlandes.com

 

 

 

 

About The Author