Gaalkacyo: Isbitaalka weyn ee Gaalkacyo oo Maanta lagudoonsiiyey Lacago Deeqa ah.
Gudiga isbitaalka weyn ee Gobolka Mudug, ayaa maanta waxaa ay lacago ka gudoomeen laba Jaaliyadood oo kala jooga Dalka Ugandha iyo Dalka Finland.
Gudiga ayaa waxaa ay u mahadceliyeen deeq bixiyayaashii soo dhiibat lacagtaan iyaga oo u Rajeeyey in ay badalkeeda wax khayr qaba ilaahay ka siiyo, Gudoomiyaha Gudiga Dr.Maxamed Jaamac Salaad, ayaa sheegay in ay haatan gaba gano marayso mar xaladii Koowaad ee Dayar tirka Dag dagaa ee Isbitaalka loo samaynayo, ay dhawaan u gudbi doonaan dhagac dhiga isbitaal weyn oo Casri ah.
Burhaab Abshir Xirsi, oo ka tirsan Puntland Socaity ee Finland ayaa waxaa uu gudiga ku wareejiyey lacag Dhan $3,910 (sadex kun iyo Sagaal boqol iyo Toban Doolar) oo ka timid Gabdho iyo Rag ka tirsan Puntland Socaity ee Finland.
Dr.C/wali Maxamed Geele (Dr.Gacameey), oo ka mid dhaqaatiirta waaweyn ee Magaaladda Gaalkacyo, wakiilna ka ah Jaaliyadda Puntland ee Ugandha iyo dadkale oo Muslimiin ah, una dhashay Dalka Ugandha oo Isbitaalka weyn ee Magaaladda Gaalkacyo kusoo sadaqaystay lacag dhan $ 1,100 (Kun iyo Boqol Doolar), lacagtaas oo Uu dhaqtarku ku wareejiyey, Gudiga Isbitaalka weyn.
Gudiga ayaa sheegay in Isbitaalka Gaalkacyo uu maanat ugu baahi badan yahay, maadaama ay jiraan Dhibaatooyin badan oo colaad iyo macaluulba leh.
Ugu danbayntii Gudiga Isbitaalka ayaa waxaa ay uduceeyeen, Musxiniintii lasoobaxay sadaqadaan, Waxaana ay Dadka Soomaaliyeed iyo dhamaan inta Islaamkaaba ka codsadeen in Isbitaalka dhismhiiisa Laga Qayb qaato, laguna sadaqaysto Waxkasta oo la awoodo, Iyaga oo Tusaale Wanaagsan usooqaatay 2sano jir iyo 4sano Jir Isbitaalka lacag ugu deeqay.
Daawo Sawirro.