Shirar amaanka ku saabsan oo Magaalada gaalkacyo ka socda

Gaalkacyo (Pes): Iyadoo ay xalay soo gaareen Magaalada Gaalkacyo Wafdi ka socda Xukuumada Puntland oo ka kooban Wasiiro iyo Wasiiro xigeeno waxayna imaatinkooda kaddib ay kulan la qaateen Masuuliyiinta Maamulka Gobolka Mudug iyo Maamulka Degmada Gaalkacyo iyo Saraakiisha Ciidamada Puntland ee Gobolka Mudug.

Kulanka labada dhinac ay qaateen ayaa waxaa ay uga wada hadleen arimaha nabadgelyada Gobolka Mudug gaar ahaan magaalada Gaalkacyo oo ay maalmahan ka jireen qulqulatooyin dhanka siyaasada ah oo u dhaxeeya Dawladda Puntland iyo Maamulka Xaafada Baraxleey.

Kulanka ayaa waxaa ka qaybgalay Wasiiro iyo mas’uuliyiin  ay ka mid yihiin Wasiirka Waxbarashada Puntland, Wasiirka Amniga Puntland, Wasiirka Duulista hawada Puntland, Wasiir xigeenka Hawlaha Guud, Gudoomiyaha Gobolka Mudug, Duqa Degmada Gaalkacyo, Kuxigeenka Duqa Degmada, Xildhibaanada Golaha Deegaanka, Saraakiisha Ciidamada Booliska, Daraawiishta iyo Nabadsugida.

Shirka ayaa la isku afgartay in la xoojiyo amaanka shacabka iyo dawladda Puntland iyadoo sidoo kalena la isku waafaqay had iyo goor in laga shaqeeyo nabadda iyo horumarka shacabka magaalada Gaalkacyo.

Kulanka ayaa qabsoomaya xilli magaalada Gaalkacyo xaaladeeda ay kacsanayd kaddib markii Maamulka Baraxleey uu ku dhawaaqay in uu weerarayo Garoonka diyaaradaha C/laahi Yuusuf ee magaalada Gaalkacyo, taasi oo dhalisay jewi kacsanaan ah oo laga dareemayo magaalada Gaalkacyo.

Puntlandes Gaalkacyo

Puntlandes.com

About The Author