Wasiirka 1aad ee Xasan Culusoow oo sheegay in u Khuburo cawiya u soo diray Puntland iyo…

130

Wasiirka koowaad ee Xasan Culusoow Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa wuxuu ka hadlay xiisada uu Cabdi Qaybdiid ka aloosiyey Magaalada Gaalkacyo ee Caasimada Gobolka Mudug, Wuxuuna sheegay in uu u soo diray labada maamul Khuburo caawiya arimaha murugsan.

Wasiirka koowaad ee Xasan Culusoow ayaa soo dhoweeyey ifafaalaha is fahanka ee Dr Gaas iyo Qaybdiid ee ku aadan joojinta xiisadda iyo aqbalidda wadahadal uu Xasan Culusoow garwadeen ka yahay oo lagu soo afjarao khilaafka wuxuuna soo saaray baaq ka kooban shan qodob:

  1. Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay ugu baaqaysaa Puntland iyo Galmudug inay joojiyaan wax kasta oo keeni kara xiisad colaadeed;
  2. In shuruud la’aan la fasaxo dhammaan adeegyada duulimaadyada ee degaankaasi,
  3. In dhakhso la bilaabo wadahadal lagu dhammaynayo khilaafka garoomada,
  4. Xukuumadda Federaalka waxay ballanqaadaysaa inay fududeyso qabsoomidda wadahadalka iyo dhamaystirka khilaafka labada dhinac;
  5. Xukuumaddu waxay u dirtay labada maamul guddi khuburo ah oo kala shaqeeya arrimaha farsamo ee duullimaadyada.

 

Xiriirka Puntland iyo Villa Xamar

Waa gadii Dr Gaas e goormay xiriir yeesheen Puntland iyo dowlada xamar. Soowtii uu Gaas lahaa 31 dii july waan jaray xiriirkii aan awalba sharciga ahayn ee uu la lahaa Xasan Culusoow. Soow Gaas ma ahayn qofkii lahaa waxaan u qabtay mudo sodon cisho ah dowlada xamar in aanu ku wado hadalno meel fagaare ah oo beesha caalamku goobjoog ka tahay haddii kale talaabo ayaan qaadayaa. Waxay mudadaas ku ekayd 19 sebtember 2014 ilaa iyo hadana juuq uma aysan oran Gaas Dowlada Xasan Culusoow. Meeshii reer Puntland u fadhiyeen in uu talaabo qaadana waatan uu Xasan Culusoow Khuburada u soo dirsanayo Puntland.

Maantana ma Xasan Culusoowgii 30 kii july lahaa waxaan qaatay Gobolka Mudug hadana soo siiyey Cabdi Qaybdiid hub iyo lacag si uu fitno uga abuuro Gobolka Mudug  ayey ka soo yeeraysaa in ay wax ay ugu yeereen Khuburo uba direen Puntland. War xagee wax si ka yihiin?

 Puntlandes.com

 

About The Author