Daawo Sawirrada Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Dekedaha oo Saaka Xilkaasi loo dhaariyey

Waxaa saaka 13 October, 2016-ka lagu dhaariyey Qasriga Madaxtooyada dawladda Puntland Wasiir Siciid Maxamed Raage oo loo magcaabay Wasiirka Wasaaradda Dekedaha, Gaadiidka badda iyo la dagaallanka burcad-badeedka ee dawladda Puntland.

Munaasabaddii dhaarinta ayaa waxaa goob joog ka ahaa Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, Guddoomiyaha golaha wakiillada dawladda Puntland Axmed Cali Xaashi iyo guddoomiyaha maxkamadda sare ee Puntland Yuusuf Xaaji Nuur.

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa kadib markii wasiirka loo dhaariyey xilkaasi cusub waxa uu kula dardaarmay in uu shaqadiisa si daacad ah u guto kana fogaado wax walba oo ku keeni kara in uu gaabis ku yimaado hawlaha culus ee loo igmaday.

“waxaad qaaday mas’uuliyad culus, waxa lagaa rabaa in aad xilkaasi sida uu yahay uga soo dhalaashid, adigoo ka fogaanaya wax walba oo sababi kara in aad shaqadaada gudan weydo” ayuu yiri Madaxweyne Dr Cabdiweli Maxamed Cali.

Sidoo kale Madaxweynuhu waxa uu Eebbe uga baryey in uu wasiirka ku asturo mas’uuliyaddaasi weyn ee bulshada loogu dhiibey, isagoona Madaxweynuhu wasiirka xusuusiyey in ay shacabka Puntland uga fadhiyaan shaqooyin baaxad-leh oo salka ku haya horumarinta iyo dardargelinta hawlaha Wasaaradda.

Ugu dambayn, Wasiirka Wasaaradda Dekedaha, Gaadiidka Badda iyo la dagaallanka Burcad-badeedka Siciid Maxamed Raage ayaa uga Mahadceliyey Madaxweynaha dawladda Puntland xilkaasi culus ee uu u magcaabay, isagoona ballan qaaday in uu dedaal dheeraad ah oo lagu horumarinayo shaqooyinka horyaalla wasaaradda  la imaan doono.

img_8735

img_8734

img_8736

img_8740

Puntlandes.com

About The Author