Beesha Caalamka oo C/karin Guuleed u digtay Dagaal ooge C/Qaybdiid inuu kusoo laabto Siyaasadda soomaaliya

15 okt 2016 (Puntlandes) Wakiilka Qaramada Midoobay ee qaabilsan Soomaaliya Keeting oo ku hadlaya Afka Beesha caalamka ayaa waraaq u diray Madaxweynah Galmudug Cabdikarin Guuleed taasoo loogu digay inuu dagaal ooge Cabdi Qabdiid ka mid noqdo Aqalka Sare ee Soomaaliya,

169c

Qoraalkan ayaa Beesha Caalamku waxay walwal aad u ballaaran ka muujinayeen inay Soomaaliya dib loogu soo celiyo shaqsiyaadka baalka madow ku jira, oo uu ka mid yahay dagaal oooge Cabdi Qaybdiid iyadoo dalbatay in laga saaro Aqalka Sare dagaal Oogahaas.

Beesha Caalamka ayaa si cad u sheegtay in aan la aqbali karin inuu Baarlamaanka FS dagaal ooge Cabdi Qabdiid oo faraha dhiig ku leh xasuuqayna ummad Soomaaliyeed oo aan waxba galansan.

Ka akhriso lifaaqa hoose waraaqda Keeting u diray Guuleed

231-6d

Puntlandes.com

 

About The Author