Roobab lagu diirsaday oo ka da’ay qaar ka mid ah meelihii ugu darnaa (akhriso).
Roobab aad loo dugayey ayaa saaka ka da’ay qaar ka mid ah meelihii ugu baahida badnaa, ee ay ka taagnayd xaaladda biya la’aanta xun.
Dhulka Roobsaday waxaa ka mid ah Dagmada Burtinle oo ka mid ahayd meelaha baraagaha ku tiirsan, Dhul daaqsimeed baraagaleeyna ahaa, ayaa isaguna waxaa uu helay Roob fiican.
Dagmada Jariiba iyo hawdka waqooyiga kajira, sida labi lamaane, Dhuuba candtuug, Mayle, Xasbahale iyo Dhulka ku xeeran ayaa waxaa qabtay roob baraagaha biyo galiyey.
Roobka ayaan wax khasaare ah gaysan, isgasa oo kusoo aaday xili aad looga dayrinayo, nolosha dadka reer guuraaga ah iyo dadka baraagaha ku tiirsanaa, oo ay baraagahoodii waa hore gureen ama biyihii ka dhamaadeen.