C/raxmaan C/shakuur “Tartankii Kuraasta Aqalka sare ee Galmudug waxaa lagu iibsaday lacago aad u fara badan”

Musharaxa u taagan xilka Madaxweynaha dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa shaaca ka qaaday inay soo gaareen warar sheegaya in lacago aad u fara badan lagu iibsaday Tartankii Kuraasta Aqalka sare ee Galmudug.

231-b2

Fariin muuqaal ah oo Musharaxu soo dhigay bartiisa Facebook ayuu kaga hadlay ololaha loogu jiro kuraasta labada aqal ee Baarlamaanka, isagoo xusay in siyaasada Soomaaliya ay isu bedeshay seylad laga ganacsado oo loo soo dhaqaale doonto.

“Waxaa na soo gaaraya fariimo sheegaya in Tartankii kuraasta Aqalka sare ee Galmudug lacago fara badan lagu iibsaday, waxaa kaloo maqalnay in ergooyinka dooran lahaa Aqalka Hoose dhaqaale la gelinayo oo codka Halkii Ergo uu joogo 5-kun oo dollar”ayuu yiri C/raxmaan C/shakuur Warsame.

C/raxmaan C/shakuur ayaa ugu baaqay Odayaasha dhaqanka maamul goboleedyada iyo Beesha Caalamka inay meel uga soo wada jeestaan musuq maasuqa muuqda ee lagu kala iibsanayo kursiga Labada aqal

“Siyaasadu ma ahan meel laga ganacsado, loona soo doonto dhaqaale iyo hanti, siyaasada waxaa la yiraahdaa mida SYL ay u soo halgameen oo dhiigooda, maalkooda iyo hantidooda u hureen, siyaasada waxaa laga dhigay sidii seylad suuq lacag lagu kala gadanayo, dowladnimo ma dhalineyso, qaranimo iyo sharaf ma keeneyso taas”ayuu si kulul u yiri C/raxmaan C/shakuur Warsame.

Hadalka ka soo yeeray Musharax C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa ku soo aadaya, iyadoo maanta magaalada Cadaado lagu soo gaba gabeeyay doorashada xubnaha Aqalka sare, waxaana soo baxaya warar sheegaya in inta badan xubnaha ku guuleystay kuraasta Aqalka sare ay u janjeeraan dhinaca Madaxweynaha.

Halkaan ka akhriso maqaal ay Warbaahinta Puntlandes shalay ka qortay oo soo gudbiyey Xog ku saabsan in Cododka la kala siistay lacagaad u fara badan: Sidee u dhacday doorashadii Galmudug qaybteeda koowaad

Puntlandes.com

About The Author