Dhagayso: Gudoomiyaha Barlamanka Galmudug oo difaacay Dagaal Ooge Cabdi Qaybdiid inuu ka mid noqdo Aqalka Sare ee Somaliya

17 2016 (Puntlandes) Gudoomiyaha Barlamanka Galmudug Cali Casir Gacal  ayaa difaacay Dagaal Ooge Cabdi Qaybdiid inuu ka mid noqdo Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya , xubnaha kasoo galaya maamulka Galmudug.
231-6e4
Godoomiye Gacal ayaa ku gacansayray dalab ka yimid Beesha Caalamka iyo ummadda Soomaaliyeed oo ah inaan lagu soo dari karin labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya DAGAAL OOGAYAASHII XASUUQA gaystay burburiyeyna dawladnimadii Soomaaliyeed.

Gudoomiyaha Barlamanka Galmudug Cali Casir Gacal ayaa difaacay xubinminada Dagaal ooge Cabdi Qaybdiid ee Aqalka Sare xubnaha uga imaanaya maamulka Galmudug.

Beesha Caalamka iyo ummadda Soomaaliyeed ayaa si isku mid ah u diiday in lagu soo daro labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya DAGAAL OOGAYAASHII XASUUQA gaystay burburiyeyna dawladnimadii Soomaaliyeed, waxaan la ogayn inuu kasii mid ahaanayo DAGAAL OOGE CABDI QAYBDIID Aqalka Sare iyo in kale.

Dhagayso Gudoomiyaha Barlamanka Galmudug Cali Casir Gacal oo difaacaya DAGAAL OOGE CABDI QAYBDIID


Puntlandes.com

About The Author