Saxaafada ku hadla afka dowlada Puntland oo qoray Wadahadalo u furmaya Dr Gaas iyo C/Wali Sheikh Axmed

130

Gaalkacyo (Pes) Waxaa maanta lagu faafiyey qaar ka mid ah Saxaafada Puntland ee ku hadla afka Xukuumada uu Dr Gaas Hogaamiyo in Gaas iyo Wasiirka koowaad ee Xasan Culusoow Cabdiwali Sheikh Axmed  in wadahadalo u furmidoonaan bishaan Septembar dhamaadkeeda. Iyadoo ay ka harsan ytahay bishan september laba cisho oo kaliya, ayey waxay qoreen in Magaalada Garowe uu ka bilaabanayo wadahadal dhexmara DFS xasan Culusoow iyo Dowlada Puntland,

116

Waxay kaloo qoreen in ay wadahadalada goobjoog ka noqon ddonto beesha Caalmaka iyadoo ay ka duwanaan doodto kuwii hore waxaana lagi jeexjeexidoonaa waa siday qoreene;

1-Xalinta waxyaabihii keenay Khilaafka

2-In la gaaro heshiis rasmi ah

 

Waxaa wax la iswaydiiyo mudan Wasiirka koowaad ee Xasan Culusoow lahaa shalay waxaan ku kala baxaynaa Sharciga oo uu ula jeeday waan eryayaa maxaa ka Go’a? Waxaa fiicnaan lahayd in ay iswaydiiyaan imisa jeer ayuu damcay ama qorsheeyey Cabdiwali Sheikh Axmed  in uu Puntland booqdo ayna ka hor istaageen Kooxda Villa Xamar. Ninka ku dhici waayey in uu Booqasho caadi ah ugu baxo meel dalkii uu madaxda u ahaa ka mid uuna ka soo jeedo muxuu yahay heshiiska uu fulinkaraa isagaaba gacan ku gabasho ku jiree?. Mise waa arin micnaheedu uu yahay marin habaabintii looga bartay Madaxtooyada Puntland.

 

Dareenka Shacabka Puntland

 

Dhinaca kalena Shacka Puntland ma qabo in ay noo yimaadaan wax ka socda Kooxda Villa Xamar oo dagaal hada u soo tafa xaydatay iyadoo Qandaas soo siiyey Cabdi Qaybdiid in uu dagaal ka huriyo Gobolka Mudug.

Nooma imaan karaan iyagoo aan war ka soo saarin Boobkii beenta ku dhisnaa ee ay ku faafiyeen in ay Gobolada Mudug iyo Galgaduud israacsheen. Waana in ay Beesha Caalamka u sheegaan in Mudug ta Puntland aysan qusayn Maamul dhisidaas si uu maamul sharci ahna u noqdo waa in ay raacshaan Hiiraan iyo Sh Dhexe.

Shacabka Puntland uba baahna maaweelo ah ”Shimbirayahow heesa, hees wanaagsan heesa” ee waxay u baahan yihiin ku hogaamin wadada saxda ah.

Puntlandes.com

About The Author