Akhriso: Odayaal iyo wax garad Waraaq Cabasho ah soosaaray.

Kulan ay isugu yimaadeen Odayaasha iyo Ganacsatada beesha MAXAMED TARAREER (WADALMOGE) ayaa looga hadlay xaqduudsiin badan oo ay ka tirsanayaan Dowladda Puntland, odayaasha ayaa kulankoodii ka dib waxaa ay soo saareen, qoraal dheer oo ay kusoo bandhigeen, deegaanada ay beeshu dagto, wax yaabaha ay tirsanayso ee xuquuqaha ka maqan iyo Baaq ay u jeedinayaa Dowladda Puntland.

 

Qoraalka ayaa sidaa u qornaa.

==================================================================

DAWLADA PUNTLAND EE SOOMALIYA

DATE. OCT-13- 2016

Ku: Madaxweynaha Dowladda Puntland                                                                               Garoowe

Ku: Gudiga Doorashooyinka Dadban ee Heer Federaal iyo Heer Puntland                   Fadhigooda

Ku: Gudooomiyaha Golaha Shacab iyo Xildhibaanada Puntland                                   Garoowe

Ku: Isimada Punland                                                                                                                Fadhigooda

Ku: Beelaha Puntland wada daga                                                                                           Fadhigooda

Ku: Madaxweyne Kuxigeenka Dowladda Puntland                                                           Garoowe

Og: Qurba Joogta reer Puntland                                                                                            Fadhigooda

Og: Culima Aw-diinka Puntland                                                                                            Fadhigooda

Og: Dowladda Federaalka Soomaaliya                                                                                  Muqdisho

UJEEDO: CABASHO CADAALAD DARO DOWLADDA PUNTLAND KU SAMAYSAY BEESHA WADALMOGE.

Mudanayaasha qoraalkani tooska iyo ogaysiintaba ugu socoto waxaan la socdsiinaynaa in shir ay isuguyimaadeen Magaalada Bosaaso Isimada, Nabadoonada, Aqoonyahanka, Ganacsatada, Dhalinyarada iyo Haweenka Beesha MAJEERTEEN MAXAMED TARAREER (WADALMOGE)

waxay mudo 3 maalmood ah ka arinsanayeen cadaaladdarada ay  katirsanayaan Dawlada Puntland waxayna islagareen in ay idiins oo Gudbiyaan go’aanada kasoobaxay shirkaas.

Markahore waxaan idiin qeexaynaa degaanka beesha iyo meesha ay kaga jiraan canshuur bixinta iyo Sida ay uga maranyihiin dawladda puntland.

BeeshaWadalmoge waxay degtaagobolada Gardafuu, Bari, Mudug, Nugaal iyo Karkaar waxaan tusaale u ah in ay leeyihiin deegaano muhim u ah shacabka iyo Dawlada Puntland xagadhaqaalaha iyo amnigga waxaaka mid ah:

  • Degmada Murcanyo iyo magaalooyinka hoostaga.
  1. Hoodaa
  2. Dibir
  3. Galgala
  4. Dhurbo
  5. Xanaanhel
  6. Huurshe
  7. Qajawe

Kuwaan waxaan uleenahay gaar waxaana kujira khayraad Dhuxul dhagax, shidaal calaamadsan, Maydi, Biyo ,Xeebdheer iyo Buuralay muhiim u ah dhinaca amniga iyo horumarlka labadaba waxaa jira tuulooyin kale oo 4 ah oo lanaladegoo okatirsan degmada Murcanyo.

Waxaa kale oo Beesha WADALMOGE ay wax kadegtaa oo xilibaano gole deegaan kuleenahay

  • Degmada Caluula
  • Degmada Bareeda
  • Degmada Gumbax
  • Degmada Bosaaso
  • Degmada Xaafuun

GobolkaMudug:

  • Gaalkacayoiyo
  • Bur saalax

Canshuurbixinta:

Beeshu waa Beesha 3aad ee Dekadda Bosaaso ugu canshuurbixinta badan dhoofinta iyo soodejinta badeecadaha cadayn dhab ahna waa u haynaa marka loo xisaabtamo beelo.

Waxaan cadaynaynaa anaga oo degaanka intaas la‘eg leh degan Qabiilmarka loo xisaab tamana ah Curadkii ilma Tarareer Majeerteenoo Maxamed ah canshuurbixintana halkaas kaga jira in aan kamaranahay dawladda Puntland.

Xuquuqda naga maqan ee aan Garawshaha lahayn, Xaqna aan ugu leenahaay in aan Dowladda Puntland ka helno waxaa ka mid ah.

  • Kuma Ma lihin xilibaan Aqalkahoos ee Dowladda Federaalka, kansarena madaxwaynuhu tartankii waanaga reebay wax nametela oo codkayaga nagumetela kumahelin DFS habayaraatee.
  • Majiro Xildhibaan Matala deegaanada aan kor kusoo xusnayn ee ay dagto beesha Wadalmo.
  • Ma lihin Wasiir buuxa oo Beesha u matala Dawladda Puntland
  • Ma lihin Agaasime Guud oo Beesha matala.
  • Ma lihin Agaasime waaxeed, Kii ay beeshu lahaydna waxaa lagu badal mid Beel kale ka socda, oo beeshii laguma soo celin.
  • Ma lihin Saraakiil ciidan iyo ciidanba, si cad ayaana beesha looga diiday in qof iyagaa uu ka mid noqdo ciidankii ugu danbeeyey ee PMPF loo qorayey. FG:- Agaasimahii Shaqadaan waday, waxaa uu beesha si cad ugu yiri, Wdagalmoge qorshaha iiguma jiraan, Mana Jiro Xildhibaan arintaa isu xilqaamaya, oo beesha kasoo jeeda, kaas oo raadin kara xuquuqda beesha.
  • Ugudanbaybtii waxaa madaxwaynuhu noobalanqaaday XILDHIBAAN AQALKA SARE oo aanay jirin cid nooga xaqleh maadaama aan Puntland iyo Federaalkaba xilidhibaano kulahayn, Mana uusan fulin oo wuxuu ugu daray beelihii Puntland Federaalba Xildhibaanada kulahaa.

Intaas oo faah faahina waxaan ugu talogalnay in qofwalba uu arkaa dulmiga lanakuhayo, dulqaad badan kadib iyo garoow shiinyo la’aan walaalayahaya reer Puntland gaarahaan madaxda siyaasadda waxaan kafursanwaynay in aan idin lawadaagno dhibkaas dadkiina kor kuxusanee isugujira maamul iyo wax garad muhimna noo ah beri hadii dhibyimaado la noosoo kiindiridoono.

SIDAAS AWGEED,  WAXAA BEESHA MAXAMED TARAREER (WADALMOGE) KU BAAQAYSAA QODOBADA HOOS KU  XUSAN:

  1. In amniga Puntland siwadajir ah looga shaqeeyo.
  2. In Gaalkacayo ilgaar ah beelaha Puntland kuhayaan, Cidiinabad ogolna lalaxaajoodo lagana digtoonaado in la fududaysto Xaaladda.
  3. In Madaxwaynuhu kanoqdo qaybtii hore ee Aqalkasare ee uu soosaaray kadibna AQALKA SARE uuu qaybiyo beelaha aan xilibaanada kulahayn Puntland iyo federaalka.
  4. In la furo xilibaanada Puntland oo lagusoodaro beelaha kamaqan oo muwaadinkaa
  5. In madaxwaynuhu uu beesha tabashadeeda dhinac maamulka ka jawaabo oo wax kaqabto sida Agaasimeyaasha, ciidanka, golahawasiirada iyo furidda xilidhibaanada Puntland.
  6. In uu Madax waynahu dhiso Maamulka Degmada Murcanyo
  7. Waxaan ugu baaqaynaa beelaha aan lahayn xilibaanada Puntland iyo kan Federaalka ee reer Puntland ah iyo ku waaan kula hayn federaal kalaba fidinta Gole GOGOL wadatashi ah oo aan uga xaajoon doono sidii aan kuheli lahayn xaqeena inaga oo umarayna dariiqada ugu fiican uguna fudud ee aan wax yeelayn dalka ,dadka iyo diinta midna.
  8. Waxaan ugu baaqaynaa qurbajoogta beesah WADALMOGE in ay isugu yimaadaan shir Wada tashi guud Bisha janaayo. 2017 Puntland meeshalagu qabanayo gadaalbaan kasoosheegi doonaa insha‘alaah silooga tashado aayaha Beesha dhinacasiyaasadda iyo Hormarinta Bulshada.

 

ODAYAASHA SAXIIXAY:

  1. Suldaan: Maxamed Muuse Siciid
  2. Caaqil: Maxud Salaad C/dale
  3. Nabadoon: Xaaji Maxamed Maxamud
  4. Ganacsade: Nuur C/hi Diiriye
  5. Ganacsade: Burhaan Bashiir Maxed
  6. Ganacsade: C/qadir Maxud Soodoog
  7. Ganacsade: Yuusuf Ciise Yuusuf
  8. C/qaadir Yuusuf Maxmuud
  9. Aqoonyahan: C/qaadir Maxed Muumin
  10. Maxamud Jaamac Yuusuf

 

 

Wabilaahi-Towfiiq

 

About The Author