Faahfaahin Khudbadihii maanta aay ka musharixiinta Aqalka Sare ee Puntland Baarlamanka ka jeediyeen
Musharaxiinta u tartamaya xubinnimada golaha aqalka sare ee Barlamaanka Soomaaliya ayaa khudbadahooda wax-qabad, waxbarasho iyo khibradeed u jeediyey golaha wakiilada Puntland.
0
Khudbadahooda taariikh nololeed ee dhinacyada waxbarashada, waayo aragnimo iyo khibradooda shaqo ayey u jeediyeen golaha waliilada Puntland 20-bishan oo ah Khamiista dooranaya 11-xubnood ee Puntland ku matalaya golaha aqalka sare dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana madasha lagu dhegeystey khudbadaha musharaxiinta goob-joog ka ahaa guddiyada doorashooyinka dadban ee heer federaal iyo heer Puntland, xubnaha tartamaya iyo marti kale.
Siciid Jaamac Qorsheel oo xubin ka ah guddiga doorashooyinka dadban ee heer Federaal oo madasha joogay ayaa sheegay in Puntland sidii loogu talo galay kusoo xushay xubnaha tartamaya ayna goob-joog u noqon doonaan doorashada iyo habka ay u qabsoonto.
Guddoomiyaha guddiga doorashada dadban ee Puntland Nabadoon Khaliif Aw-Cali ayaa dhankiisa sheegay in xubnahan baarlamaanka hor yimid yihiin shacsiyaadkii u qalmay qabashada kuraasta ay u tartamayaan islamarkana ay buuxiyeen guud ahaan shuruudihii musharaxnimo.
Xubnaha tartamaya oo intaas kadib golaha la hadlay ayaa jeediyey khudbado uu shaqsi walbaa ku faah-faahiyey himiladiisa siyaasadeed, iyo waxyaabaha uu doonayo iinu u ololeeyo waxka qabashadooda hadiiba uu ku guulaysto xubinimada golaha saree dalka, waxana ay intooda badan ka midaysnaayeen inay ku dedaalayaan sidii ay Puntland u heli lahayd xuquuqdeeda ay ku leedahay dowladda Federaalka ah.
Xubnahan musharaxniinta ah ayaa ka kooban ku dhowaad 30-xubnood oo dhammaantood loolan adag ugu jira kamid noqoshada golaha sare Jamhuuriyadda Federaalka ah.
Puntlandes.com