Gaalkacyo: Jaahwareer ka taagan sargaal Galmudug ah oo la waayey

24 okt 2016 (Puntlandes) Dagaalkii dhacay Sabtidii oo sababay khasaare aad u balaaran oo soo gaaray Ciidank Huwan ahaa ee ay ku dagaalamayey magaca Galmudug, ayaa waxaa kasoo baxaya warar isa sootaraya oo kala gadisan.

231-6b5

Sababta Dagaalka Saaka

Dagaal ay saaka soo ay soo qaadeen Huwantu ayaa la sheegay in uu salka ku hayo, baadi goobka mayd nin sargaal ah iyo 7askari oo uu watay, oo la waayey.

Sargaalkaan ayaa la waayey maalinkii dagaalku habaynsaday isaga iyo saaxiibadiis, hase yeeshee saaka ayey baadi goobkii maydiiisa kasoo dul dheceen Ciidanka Puntland.

Warkii ugu ee aan ka helay dhinaca Galmudug ayaa noo xaqiijiyey, in la helay sargaalkii iyo saaxibadiis oo mayd ah, habka loo dilay iyo qaabka loo helay ayaa labaduba shaki badan abuuray.

Sargalkaan iyo saaxibadiis ayaa la sheegay in ay dileen, mid ka mid ah beelaha gobolka Mudug ee Galmudug, sababta ayaa lagu sheegay in ay salka ku hayso laba arimood midkood.

1. Sidii ay beelahani dagaalka si buuxda ugu soo gali lahaayeen, iyaga oo u aaraya raga laga laayey.
2. Waxaa kale oo la sheegay in ciidanka deeganka qaarkood ka xun yihiin dagaalka, ay beelaha qaar ka aarsanayaan aanooyin hore oo ka dhexeeyey, askarta kalana loo laayey si aysan uga war bixin sargaalka iyo nin kale oo isku hayb ahaa oo la dilay.

Arintaan ayaa markii ay soo baxday waxay sababtay, in dagaalka ka baxaan laba beelood oo Gal gaduud kasoo gurmaday.

Puntlandes.com

About The Author