Dadka Puntland Jawaab ma ka mudan yihiin Xukuumada Gaas misse uma qalmaan?
Sida aynu lawada socono Cabdiwali Gaas wuxuu xukunka yimid iyada oo uu go an yahay xiriirkii Puntland iyo Dawlada Xamar. Waxaa la ogaa isagoon u soo bandhigin ummada reer puntland sida uu damacsan yahay in uu u soo celiyo xiriirka, uu isagu dabada kariixayey oo aysan lawadin dawlda Xamar, ayuu aayar oo gaban ah dhinac ka raacay. Waa tii la ogaa oo aynu halmar kubaraarugney booqashooyin is dabaa joog ahaa oo uu xubno ka tirsan xukuumadiisa ugu dirayeyey Xamar, kuwo kalena ay Puntland ka fulinayeen wax loogu yeeray kormeer iyo booqashooyin. Iyadoo taas lala yaabanaa, waa tii ay arintu kasii dadhay oo ay dowlada Xamar shirka ku qabsatay Garoowe. Markii ay saxaafadu waydiisay C/Gaas waxa iska bedelay xiriikii go,naa waa tii uu ku jawaabey, Xiriirkii wali waa go,an yahay oo nimankan meesha maraya anigu kama warqabo ee meeshaan isku aragnay. Isag oo raba in uu ku marin habaabiyo dadka reer Puntland oo aad ula yaabanaa ficilka foosha xun oo meesha ka socday ( dulqaad badanaa reer Puntland).
Hadaba waxaan rabaa in aan dib u milicsano sida uu u fikiro Cabdiwali Maxamed Cali Gaas.
Joojintii dimuquraadiga
Waxaynu aad ula soconey in dooda qolyihii rabay in ay joojiyaan dimuquraadiyadii Puntland oo uu hogaamiyahay u ahaa Cabdiwali Maxamed cali Gaas ay saldhig iyo asal u ahayd in dadka Reer puntland aysan xaq ulahayn in ay wax doortaan iyagoo si cad u oran jirey, dadku uma bisla dimuquraadiyad, ma gaarin iyo waliba ma yaqaanaane waa in marka hore la baro. Intaas kuma ekaane waatii ay dadka ku laayeen oo inta jirri lacag Xamar laga keenay la siiyey oo adeegsadeen, la burburiyey qalabkii doorashada.
Hab dhaqankii taas kadanbeeyey
Markii uu xukunka ay qaateen (oranmayo ku kuulaysteen ileen doorashadii iyagaa hor istaagaye ). Ficilkiisii taas ka danbeeyey waxaa cadaatay in uu wali ku shaqaynayo fikirka ah reer puntland uma qalmaan in lala tashado, oo masiirkooda iyo aayahooda iyaga wax laga waydiiyo (ileen isaga waxay la tahay in reer Puntland u baahan yihiin in marka hore masiirku waxa uu yahay loo sharaxo). Waa tii sida aynu kor kusoo xusnay uu si qarsoodi ah ula heshiiyey dawlada Xamar.
Markii ay isaga la go,day oo qolyihii uu xaaraanta kula heshiiyey isaga ceebeeyeen, waatii aynu maqalay in uu yiri Xiriirkii aan la lahaa waan joojiyey, Xildhibaanaan u yeertay iyo bakh bakh iyo boolo xooftayn been ah oo uu markaas is lahaa iyaga waa dawlda Xamare ku beer laxawso. Ileen dawlda Xamar si fiican bay Gaas u taqaanaaye waxay ugu jawaabeen aamusnaan iyo wax ka soo qaad la aan ( taasi waxay dib ii xusuusinaysaa hadal uu Xasan Sheekh ugu bishaareeyey bulshadiisa markii uu Gaas xukunka Puntland qabsaday oo ahaa ” waxaan idiinku bishaaraynayaa in nin aad taqaaniin Puntland loo doortay”).
Waxaa xigtey in uu 19 August kasoo saaray Garoowe in uu u qabtay bil hadii ay bishaas ka garbixi waayaana uu samaynayo wixii Dastuurka Puntland u banaynayo.
Hadaba maxaa xigey?
Waqtigii markuu dhamaaday baa umada reer Puntland hadana waxa ku fajeceen, bal wax samayn iyo ka hadalkeedba daaye in qolyihii dimuquraadi diidka ahaa Garoowe shir loogu qabto. Iyo ka dar oo dibi dhalka maanta oo aynu ognay xubno kabadan 20 ka socda xukuumada Puntland in ay Xamar uga qayb gelayaan shir lagu macneeyey ”new deal”. Nin baa hada ka hor laga sheegay ”Hashu maankayga gadaye ma masaar bay liqday?”
Goormuu hadana C/wali Gaas la heshiiyey Xamar? Shacabka reer Puntlandse ma mudan yihiin in ay ogaadaan halkii uu ku danbeeyey Xiriirkii uu haddana marka labaad isagu jaray iyo waliba waqtigii dhamaaday waxa iska bedeley?
Ma waxaynu sugnaa marka uu Baarlamaanku furmo in ay xukuumadaan la xisaabtamaan oo u sheegaan in aysan sidani habdhaq xukun ahayn ileen iyagaa
W/Q: Maxamed Saliid Calisamey
info@puntlandes.com