Sawirro: Shir ay ku yeesheen Waxgaradka, siyaasiyiinta & Ganacsatada kasoo jeeda Gobbolka Mudug ee Nairobi (Baaqa Nabadeed)
27 okt 2016 (Puntlandes) Magaalada Nairobi ayaa waxaa Shir ku yeeshay Waxgaradka, Siyaasiyiinta iyo Ganacsatada ka soo jeeda Gobbolka Mudug ee Nairobi, iyagoo Baaqa Nabadeed kasoo saaray.
Qoddobadda uu ka kooban yahay Baaqa Nabadeed ayaa kala ah:
- Xabad-joojin maamuladdu ku dhawaaqaan shuruud la’aan
- Si xor ah oo ay u wadahadlaan waxgaradka degaanka oo ay iyagu ka heshiiyaan kana wadahadlaan.
- Joojinta fara-gelinka uga imaneysaa bannaanka meel kasta oo ay ka imaneyso.
- Media in aan la isu marin hadallo dhib iyo xanaf leh.
Shirka ayaa waxaa ka mid ahaa Siyaasiyiinta ka qayb galay Musharrax Cali Xaaji Warsame iyo Musharrax C/nasir Cabdille Maxamed .
Kullanka ayaa lagu adkeeyey 2 shardi oo kala ah:
- In la joojiyo Fara-gelinka oo Dowladda Dhexe ugu horeyso
- Wadahadalka oo dadka degaanku galaan intaan maamuladda la gaari.
Daawo sawirrada