Kulamadii Imaaraadka Carabta Carabta oo soo gaba-gaboobay & Xasan Sheekh oo dhabarka loo jeedshay
31 okt 2016 (Puntlandes) Maalmihii la soo dhaafay ay dalka isu tagga Imaaraadka Carabta ku sugnaayeen Madaxda maamul goboleedyada Soomaaliya ayaa waxaa jiray warar soo baxayay oo sheegayay in kulamada iyaga iyo madax ka tirsan Imaaraadka Carabta ay la xiriireen doorashada la filaya inay dhawaan ka dhacdo Soomaaliya.
Kulamada oo looga hadlayay doorashada Soomaaliya iyo qorshe Imaaraadka Carabta wadato oo ku saabsan Musharaxiin ay si gaar ah u daneyneyso inay ku soo baxaan Madaxweynaha soo socda ee Soomaaliya.
Madaxweynayaasha Puntland, Galmudug, Jubbaland, Hirshabeelle iyo Koofur Galbeed Soomaaliaya ayaa ku sugnaa maalmihii u dambeeyay dalka isu tagga imaaraadka Carabta, waxaana lagala hadlayay sidii ay u taageeri lahaayeen Musharaxiinta ay doonayaan in la doorto.
Ilo wareedyo ku dhow dhow shirarkaasi ayaa sheegaya in Imaaraadka Carabta ay u dhiibeen warqad ay ku qoran yihiin Labo musharax ay wataan. Imaaraadka Carabta ayaa markii hore taageersanaa in mar kale la soo doorto Madaxweyne Xasan Sheekh, balse haatan ka baxday, iyagoo labo musharax oo kale oo ay doonayaan in mid la doorto.
Madaxweyne Xasan Sheekh oo muddooyinkii u dambeeyay culeys uga imaanayay Beesha caalamka ayaa u muuqda inuu waayay taageeradii ugu weyneyd ee uu ka heystay Imaaraadka Carabta.
Waxaa cadaatay in Imaaraadka Carabta iyo Mareykanka ay isku mowqif ka yihiin arrinta doorashada iyo Musharaxa ay doonayaan, waxaana loo arkaa in Imaaraadka uu yahay wakiil qarsoon oo Mareykanka u qaabilsan arrimaha doorashooyinka.
Imaaraadka Carabta ayaa saameyntiisa siyaasada Soomaaliya ay sii xoogeysaneysa saddexdii sano ee u dambeeyay, isagoo xiriir dhow la sameysanayay maamul goboleedyada dalka ka jira oo uu si kala gaar gaar ah ula macaamilayay, waxaa ay siiyeen taageero milateri, mid dhaqaale iyo agabyo