Sawirro-Madaxweynaha Dowladda Puntland Oo Safar Ku Maray Gobolada Bari Karkaar iyo Nugaal.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wefdi uu hogaaminayo oo hawlo shaqo ugu maqnaa dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta isla markaana maalmihii u danbeeyey ku sugnaa magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland ayaa maanta 09 Nov, 2016  dib ugu laabtay caasimadda Puntland ee Garoowe.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo weftiga uu hogaaminayey ayaa waxaa lagu soo dhoweeyey degmada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar, soo dhoweynta madaxweynaha iyo weftigiisa ee degmada Qardho ayaa waxaa ka qayb galay  maamulka gobolka karkaar iyo kan degmada Qardho, Isimo, cuqaal, waxgarad, ururada haweenka iyo dhalin yarada iyo qaybaha kala duwan ee bulshada degmada Qardho.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa intuu uu ku sugnaa degmada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar waxa uu xariga ka jaray  dhismaha cusub ee maamulka gobolka karkaar oo uu hore Madaxweynuhu u dhagax dhigay 05 January 2016 .

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maamulka Gobolka Karkaar iyo kan degmada Qardho ku amaanay sida ay heegan ugu yihiin horumarinta gobolka iyo degmada, wuxuuna bulshada Qardho ku adkeeyey inay ilaashaadaan mashaariicda horumarineed ee Gobolka laga hirgeliyay.

” Waan ku farax sanahay inaan ka soo qayb galo munaasibada furitaanka xarunta Gobolka Karkaar waana guul u soo hoyatey guud ahaan Puntland gaar ahaan Gobolka Karkaar,                                                   waxayna qayb ka tahay tallaabooyinka isku tashiga ee ay wadaan Dawladda Puntland iyo shacabkeedu, aad baan uga mahad naqayaa gudoomiyaha Gobolka iyo kan degmada Qardho shaqada wanaagsan ee ay bulshada u hayaan , waxaan idinku dhiiri gelinaynaa inaad halkaa kasii wadaan shaqada wanaagsan ee aad u haysaan dalkiina iyo dadkiinaba” ayuu yiri madaxweynaha dawllada Puntland.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa xariga ka jaray wado muhiim ah oo lagu hirgeliyay isku tashiga iyo iskaashiga haweenka degmada Qardho, waxaana uu Madaxweynuhu ku amaanay haweenka degmada Qardho sida ay ugu heelan yihiin horumarka dalka iyo wanajinta bilicda degmada qardho.

Dhinaca kale madaxweynaha iyo weftigaiisa ayaa u soo kicitimay gobolka Nugaal waxaana  caasimada Dawladda puntland ee garoowe kusoo dhoweyey Maamulka Gobolka Nugaal iyo masuuliyiin ka tirsan golayaasha Dawladda Puntland.

–DHAMMAAD–

XAFIISKA WARFAAFINTA.WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

img_3313 img_3317 img_3327 img_3332 img_3333 img_3334 img_3336 img_3337 img_3339 img_3340 img_3347 img_3348 img_3350 img_3357 img_3359 img_3360 img_3362 img_3366 img_3368 img_3372 img_3377 img_3381 img_3382 img_3383 img_3387 img_3395 img_3397 img_3398 img_3400 img_3401 img_3403 img_3406 img_3429 img_3438 img_3439 img_3440 img_3442 img_3446 img_3453 img_3455 img_3456 img_3467 img_3471 img_3472 img_3477 img_3481 img_3489 img_3492 img_3498 img_3501 img_3513 img_3520 img_3521 img_3522 img_3525 img_3526 img_3548 img_3552 img_3554 img_3556 img_3558 img_3560 img_3564 img_3566 img_3567 img_3570 img_3574 img_3581 img_3584 img_3590 img_3598 img_3612 img_3621 img_3640 img_3649 img_3653 img_3660 img_3667 img_3670 img_3671 img_3686 img_3690 img_3706 img_3723 img_3725

Puntlandes.com

About The Author