Sawirro: Wafdi ka socda dawlada Puntland oo Booqday Guryo ay Madaafiic ku garaaceen Maleeshiyaadka Galmudug
10 nov 2016 (Puntlandes) Wasiiro katirsan Xukuuadda Puntland iyo Gudoomiyaha Gobolka Mudug ayaa maanta booqday Dhismayaal shacab oo waxyeelo ka soo gaartay Madaafiic ay ku garaaceen Malashiyaadka maamulka Galkmudug, kuwaaso ku yaala magaalada Gaalkacyo.
Mas’uuliyiintan oo kala ahaa Wasiirka Deegaanka, Wasiirka Hawlaha Guud, Wasiirka Caafimaadka iyo Gudoomiyaha Gobolka Mudug ayaa booqday Guryo, Goobo Ganacsi iyo Masaajid ay waxyelo kasoo gaartay Madaafiicda ay sida indho la’aanta ugu ridayaan magaalada Gaalkacyo maamulka Galmudug.
Daawo sawirrada