Sawirro: Xaaladda Abaaraha Gobolka Mudug oo gaaray in xooluhu wadar wadar u dhintaan
Xaaladda abaarta ee Bariga Gobolka iyo Koonfur bari Gobolka Mudug ayaa meeshii ugu adkayd abid gaartay, waxaana ay xooluhu bilaabeen in ay wadr wadr u dhirtaan.
Koox wariyayaal ah oo ka sadcaalay magaaladda Gaalkacyo, si ay usoo qiimeeyaan xaaladda abaarata, ayaa soo tabinaya warar laga naxo sidoo kale waxaa ay soo bandhigayaan sawirro muujinaya heerka adag ee ay gaarsiisan tahay abaartu iyo xoolihii oo koox koox u baqtiyaya.
Wariyaasha oo wali kusii jira safarkoodii, ayaa haatan waxaa ay bariga kasoo direen sawirro iyo dadweyne cabanaya, iyaga oo intaasna ku daraya, in ay cabsi badani ka jirto dhinaca dadka xooluhuna aya haatan sii dab wirleeyihiin.
Sawirro.