Maqaal: Hawada Soomaaliya Maxaa Callaal Ka Dhigay? Qayb 4
Hawada Soomaaliya maxaa callaal ka dhigay?
November 22, 2016
In la maamulo hawada waxaa laf-dhabar u ah saddex udub oo kala ah sharuuc waafaqsan kuwa Caalamka (ICAO Annexes) ee lagu maareeyo hawlaha, shaqaale tababaran iyo qalab casri ah oo la adeegsado.
Ha se yeesho ee sidaan horray u soo iftiiminay waxqabadkii dhutinayay ee CACAS/FISS intii u dhexsysay sannadihii 1996-2016 waxaa jiitankii u muuqdaa inuu caqabad ku noqanayo in maamulka hawada lagu soo celiyo gudaha Soomaaliya. Erayga kore “caqabad” waxuu ka hor imaanayaa rajada laga qabo in dhaqso maamulka hawada lagu soo celiyo gudaha dalka, sababaha soo socda awgood:
- Sharuucdii heer caalami oo aan wali la diyaarin
- Shaqaalihii Soomaaliyeed ee la wareegi lahaa maamulka hawada oo u baahan tababarro dheeraad ah oo sannado qaadan kara
- Qalabka yaal garoommada Soomaaliya ma ahan qalab casri ah oo ka gudbi kara sharuudaha (international Standard) loo baahan yahay.
In kasta oo maamullada dalka ka jira ay dhaliilaan FISS, run ahaanii iyaga ayaa waxay ku sifoobaan kuwo dhaliilan oo dhinac maray masuuliyaddii ay ummadda u hayeen markii ay isku tashan waayeen oo qabtan lahaayeen waxii ay awoodeen, sida tababarrada.
Waxaan ku soo afmeyreynaa qeybtaan
Waxaan ku soo xusnay qeybtii hore is jiid -jiidka aan dhammaadka laheyn ee u dhaxeeya Soomaalida kaas oo ka mid ah dhaqammada laga dhaxlay burburintii qarannimadii oo taladii iyo awooddii mideysneyd lagu baddashay maamulo tayo ahaan weyd ah, ayena u sii dheer tahay qoqob iyo muran qabyaaleed. Xaqiiqadu waxay tahay in khilaafka Soomaalida uu yahay ragaad shafka dhulka u dhagay ummaddaana, ha se yeeshee naasa-weyn dihin u noqday FISS, waxaana ku soo qaadan doono qormada 5 meesha sartu dufanka ku leedahay.
Fiiro Gaar Ah:
- Flight Information Service Somalia (FISS) waa magacii lagu baddalay CACAS. 2. Caretaker Civil Aviation for Somalia (CACAS) waa Wakaaladdii maamulaysay hawada Soomaaliya 1996-2003
Maxaa xigay?
La soco qeybta 5
Qore: Shakib Dhowre
Tel: +25290-7686796
E-mail: shakibdhowre@ymail.com