Maqaal: Dib u Dhac Ku yimid Nidaamkii Hirgalinta Xisbiyada Badan ee Puntland

maxresdefault

Iscasilaada Guddoomiyihii Guddiga Doorashada Madaxa Banaan ee Puntland, Mudane Axmed Maxamed Cali (Axmed Kismaayo), waa dib u dhac hor leh oo lasoo darsay hirgalinta nidaamka doorashada ee hal-qof hal-cod. Ma cadda sabata ama sababaha dhabta ah ee ku kalifay inuu iscasilo. Balse mar kaste  wuxuu naga mudanyahay mahad naq hawshii uu soo qabtay mudadii sanad ku dhawaadka ahayd ee u xilkaas hayey.

Maxaa Aasaas u ah Horumarka Bulshada?
Bulsho kasta oo meel kuwada nool waxay u baahanyihiin iney yeeshaan nidaam ay isku maamulan, ha noqoto xag siyaasadeed, xag dhaqaale, xag amni, waxbarasho, caafimaad, iyo xag arrimaha kale ee bulshada. Waxaan qabaa in nidaamka siyaasadeed ee ay bulshadu doorato inay isku maamusho uu aasaas uyahay inta kale oo dhan. Waayo, haddii nidaamkaasu yahay mid ku salaysan cadaalad, sinaan sharciga hortiisa, bulshado ay xor u tahay inay si toos ah usoo doorato madaxdeeda, ay leedahay xoriyatul qawl, iyo dhamaan xuquuqaha kale ee qofka, waxaa hubaal ah inay horumar taam ah oo waara ka gaari karto arrimaha kale oo dhan, sida dhan dhaqaale, caafimaad, waxbarasho, amni, iwlm.
Balse haddii nidaamkaasi noqdo mid ku salaysan cadaaladxumo, eex, caburinta afkaarta shakhsiga, qof iyo koox jeclaysi loo sad buriyo, bulshada oo an lahayn nidaam madax banana oo ay ku soo doortaan madaxdooda, waa dhici kartaa in nidaamkaasi uu qudhiiso keeno horumar la taaban karo dhan dhaqaale iyo arrimaha kaleba, balse looma wada sina oo koox gaar ah ayaa xukunka iyo nafacaadkiisuba gacanta uugu jiraan. Waxaa kaloo is weydiin leh nidaamkaasii ma keeni karaa horumar taam ah oo aayatiin wanaagsan leh.
Tusaale ahaan, dawladdii milatariga ahayd ee uu madaxda ka ahaa Maxamad Siyaad Barre, waxaa hubaal ah, marka aad ka reebto siyaasada, inay tobankii sano ee hore wadanka horumar la taaban karo gaarsiisay. Dabcan siyaasadeedii ku salaysnayd kaligi taliska waxa an ka dhaxalnay iskaga sheekayn mayno maanta, oo meeshaynu naal waad wada argataan. Sidoo kale wadamadii sida Soomaaliya oo kale ay hor boodayeen kaliga taliska, sida Ciraaq, Liibiya, iyo Siiriyaba oo dhamaantood wadankooda markii hore gaarsiiyey horumar dhaqaale, waxbarasho, caafimaad, iwlm, waad wada aragtaan Meesha ay gu danbeeyeen.
Tusaale kale. Haddii ad soo qaadato Wadamada ku yaal qaarada Afrika, guud ahaan, oo ad barbar dhigto, Wadama ku yaal  Aasiya (Asia) iyo kuwa ku yaal Koonfur Ameerika (South or Latin America) oo markii ay xoriyada qaateen badidood isku meel ka joogay horumarka dhaqaalaha iyo bulshada, waxaad arkaysaa maanta in wadama Laatiin Ameerika iyo kuwa Aasiya aad uuga horeeyaan kuwa Afrika. Wax kalena ma aha ee waa siyaasad xumida madaxda Afrika oo ku salaysan xukun jacayl iyo waarimeyside wax ka qabso (ma aha waarimayside war ha kaa haro) adiga, reerkaaga, asxaabtaada, iyo inta xukunka kula haysa. Ummadda inteeda kalena ay ka soomanaadaan hantidoodii.
Dulucda Qoraalkan Maxay Tahay?
Nidaamka xukun-qaybsiga ku salaysan ee federaalka ah waxyaalaha wanaagsan oo durba laga helay waxaa ka mid ah in dawladda dhexe aynan si toos ah usoo faragalin karin arrimaha dawlad goboleedyada, sida kala badalida madaxda gobolada. Oogow dawladihii madaniga (Civilian Governments) ahaa oo isticmaali jiray habkii xukunku ku koobnaa dawladda dhexe (unitary system), waxay awood u lahaayeen badalaada madaxda gobolada, weliba wakhtiga doorashada waxay isku dayi jireen inay geeyan kuwa ay isku halayn karaan si ay xukunka dib uugu soo laabtaan. Waa waxa Xassan Sheikh uuga soo horjeedo nidaamka federaaliga ah oo ku khasbaya inuu awooda dalka la qaysado madaxda gobolada.
Nidaamka federaaliga ah wuxuu kalo qeexayaa in marka la tago dawlad goboleedka, awooda xukun-qaybsiga la sii baahiyo, oo shacabka ku nool gobolkaas ay toos usoo doortaan madaxdooda, sida gudoomiyaha gobolka, kan magaalada iyo wixii la mida. Ayaan darada jirta waxa weeye madaxdii gobolada, oo nidaamka federaalga ahi ka badbaadiyey faragalinta Xassan Sheikh iyo dawladda dhexe, ayaan doonayn inay iyagu xukunka cid kale la qaybsadaan. Mid walba gobolka uu madaxda ka yahay wuxuu ka noqday digtatoor yar (mini-dictator).
Dawladda Puntland horseed ayay ka tahay ku dhaqanka nidaamkan federaaliga ah. Sidaas awgeed xil gaar ah ayaa ka saaran hirgalinta nidaamkaas. Madaxweynaha Puntland Mudane Gaas dawr wayn buu kasoo qaatay in Soomaaliya ka baxdo nidaamkii ku meelgaarka ahaa. Markuu musharaxa u ahaa xilka madaxweynaha Puntland, wax yaalihii uu ku dhaleeceynayey Mudane Cabdiraxmaan Faroole waxaa ka mid ahaa inuusan Puntland gaarsiin nidaamka hal qof hal cod. Markuu Gaas xukunka ku guulaystay, waxaa la sheegayaa in lagula taliyay inuu dhakhso u dhiso gudiga doorashada, maxkamada dastuuriga, iyo wixii kale muhiim u ah. Dabadeed asxaabtii la soo dhiso, oo la isku dayo in doorasho la suubsho intaan la gaarin mida weyn ee 2019, si loo turxaanbixiyo wixii khaladaad ah oo soo baxa.
Maanta waxay taagantahay bal wixii kale oo dhan iska daaye tilaabadii uugu horaysay ee dhisida gudiga ay liicliicayso. Waxaa kalo muuqato in mudane Gaas ka cagajiidayo, oo ad hadaladiisa ka dhadhansankartid  dayro inuu nidaamkani hirgalo inta ka hartay xukunkiisa. Ma istiri xukunka ayaa wax ka badalay fikirkiisii saliimka ahaa markuu musharaxa ahaa. Al yacni, dhadhanshaa waalan, ka dhargaana ka daran.
Haatan iyo Dan
Waxaan qabaa in dhamaan shacabka reer Puntland, Golahiisa Shacabka, iyo saxaafaduba xooga saaraan sidii mudane Gaas iyo dawladiiso ay Puntland u gaarsiin lahayd nidaamka hal-qof hal-cod intaan xukunku ka dhamaan. Waxyaalaha dawladda looga baahanyahay inay sida uugu dhakhsaha badan ku qabtaan waxaa ka mid ah:
1) In sida uugu dhakhsaha badan loo soo magacaabo cidii buuxin lahayd booska uu baneeyey Axmed Kismaayo, isla markaasna la soo magacaabo gudoomiyaha gudigaas.
2) In sida uugu dhakhsiyaha badan Dawladu iyo Golaha Shacabkuba usoo magacaaban xubnihii ka mid noqon laha Maxkamada Dastuuriga, lana dar dar galiyo dhismaha maxkamadaas.

Waxaan isleeyahay labadaan arimood oo an kor kusooxusay haddii la dhamaystirio inta ka hartay Sandakan 2016, rajado ma xuma.

 

Shaki kuma jiro dhisida kaabayaasha dhaqaalaha sida degadaha, garoomada, jidaadka, iyo wixii kaloo soo raaca inay muhiim u yihiin horumarka bulshada, balse waxaa ka asalsan dhisida nidaam siyaasadeed oo ku dhisan xaq iyo cadaalad, waayo isaga ayaa ah aasaaska inta kale oo dhan ku soo hirato. Haddii nidaamkaas siyaasadeed kuu hagaagana, inta kale oo dhanina hagaagayso, haddii u kaa xumaadana, wixii wanaag ah oo inta kale keento ayna noqonayn wax lagu nagaado ama lagu waaro.

231-4a5

Rabbow Tubta Toosan. Aamiin.
Abdihakim Hassan Hersi
ahhersi@outlook.com
dhagaseynbloc.wordpress.com

About The Author