DHEGEYSO-Ganacsiga iyo Gubista Dhuxusha Oo Laga Mamnoocay Gobolka Bari.
November 28 206 (Puntlandes)-Maamulka gobolka Bari ayaa amar ku bixiyey in la joojiyo guud ahaan gaadiidkii dhuxusha keeni jirey magaalada Boosaaso iyo iibka iyo ka ganacsigeeda.
Axmed Cali Cabdulllaahi, gudoomiye ku-xigeenka gobolka Bari oo lahadlay warbaahinta gudaha qaarkeed ayaa sheegay in tallaabo sharciga waafaqsan laga qaadi doono gaadiidka iyo dadka ka ganacsada dhuxusha ee aan amarka u hogaansamin.
DHEGEYSO