Daawo Video-Sawiro: Madaxwaynaha Puntland oo maantay Qaabilay Wakiilka Midowga Yurub ee Somalia

Garowe(Pes) Madaxwaynaha Dowladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta madaxtooyada Puntland ku qaabilay wafdi uu hogaaminayey Safiirka Midowga Yurub  Soomaaliya u fadhiya Danjire Michele Cervone d’Urso.

Markuu uu soo dhamaaday Kullan gaar ah oo ay wada qaateen Madaxwaynaha Dowladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Danjire Michele Cervone d’Urso ayey si wadajir ah ula hadleen Warbaahinta,waxana sharaxaad dheer ka bixiyeen qodobadii ugu muhiim sanaa oo ay kawada hadleen.

”waxyaabo badan ayaanu kawada hadalnay oo ay kamid tahay Xiriirka Puntland iyo EU, Mashaariicda Horumarineed ee ay EU Ka wadaan Puntland iyo Shaqooyin badan oo EU la qabanyso Dowladda Puntland”Ayuu yiri Madaxwayne Gaas.

Waxbadan baanu kawada hadalnay oo ay kamid tahay Xiriirka u dhaxeeya Dowladda Puntland iyo Dowladda Federaalka Soomaliya xaalku hada meesha uu marayo  iyo sidii looga sii ambaqaadihaa”Ayuu yiri Madaxwayne Gaas.

Madaxweynaha ayaa isagoo hadalka sii wata yiri ”Dagaalka aanu kula jiro Xagjirka Al-shabaab ee ka socda Buuraha Galgala wax badan baan u sheegnay baahidayada iyo muhiimada Puntland ay leedahay meesha ay higsanayso dowladnimadeedu si ay uhirgasho .

Shirka Jaraa’id kadib ayaa madaxwayne Gaas waxa uu qado sharaf la qaatay Ambasador Michele Cervone iyo Waftigii uu hogaaminayay .

Kullankii ay Wada qaateen Madaxwaynaha Dowladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Safiirka Midowga Yurub  Soomaaliya u fadhiya Danjire Michele Cervone d’Urso waxaa uu ku soo dhamaaday guul iyo is afgarad.

Halkan ka daawo Video ga

Sawiro halkan ka daawo
406

407

408

409

410

411

412

413

414

Puntlandes.com

About The Author