DHEGEYSO-Gudoomiyayaasha Gobolka Mudug Oo Shaqada Isdhaafsaday.
December 05 2016 (Puntlandes)-Gudoomiyaha gobolka Mudug ee dowladda Puntland ayaa ka howlgeli doono xafiiska maamulka Galmudug ee koonfurta magaalada Galkacyo si uu u muujiyo sida ay dowladda Puntland uga go’antahay nabadaynta Galkacyo.
Dhanka kalena waxaa balanqaad mid kaas lamid ah sameeyey gudoomiyaha gobolka u qaabilsan maamulka Galmudug oo sheegay inuu booqan doono xafiiska maamulka gobolka ee dowladda Puntland.
Tallaabadaan ayaa looga golleeyahay in Bulshada loo muujiyo is dhexgal iyo Kalsooni,Maadaama Magaalada Gaalkacyo ay wada degen yihiin Labada Maamul ee Puntland iyo Galmudug.
DHEGEYSO