Galkacyo: muxuu lakulmay gudoomiye Abgaaloow intii uu kormeerayey ciidanka Galmudug(Sawirro+Warbixin)

waxaa maanta si toos ah loo bilaabay in la hubiyo heerka ay marayso Xabad joojintii ay ku hishiiyeen labada dhinac.

Gudoomiyaha Gobolka Mudug Xassan Maxamed  Khaliif (abgaaloow), ayaa waxaa uu u tilaabay dhinaca Galmudug, isaga oo soo kor meeray in ay ciidamadu kala joogaan meelihii loogu talagalay, waxaana uu soo eegay  dhufaysyada ciidanka Galmudug, isaga oo kala hadlay taaba galinta xabad joojinta.

Kormeerka Gudoomiyaha waxaa ku weheliyey, duqa dagmada Galmudug iyo taliyaha ciidan Galmudug, iyo xubno kale oo iyagauna ka kala socday Puntland iyo Galmudug.

Gudoomiyaha ayaa u sheegay ciidanka Galmudug, in amaanka magaaladu haatan gacanta ugu jiro labada ciidan, ayan hishiis yihiin labada maamaul madaxdoodu, sidoo kalana waxa dhimanaya ay yihiin ciidanka labada dhinaca.

Gudoomiyaha ayaa ugu baaqay dhalinyarad ciidanka ah ee Galmudug, in ay dhankooda taaba galiyaan oo ay hubiyaan in aan xabadi ka imaan dhankooda, isaguna uu balan qaadayo in uu hubiyo in aan dhinaca kale xabadi kaga imaan.

Gudoomiyaha Gobolka Galmudug ayaa isaguna sidoo kor meeray goobaha uu ciidanku dagan yahay, isaga oo isna hubinayey in ay ciidanka Puntland joogaan meelihii loo asteeyey.

Kor meerkaan ayaa la filayaa in uu siisocon doono maalmaha soosocda si loo hubiyo in ay hir gashay xabad joojintii labada dhinac.

Daawo Sawirro

15253559_707868699374622_6012595233807225040_n 15267765_707868889374603_5207038325705257472_n 15319256_707868359374656_7247843079889234461_n 15326532_707868569374635_8569912340568166372_n 15350489_707868479374644_1340735400387039836_n 15380749_707868776041281_3800837532536266406_n

Puntlandes.com

About The Author