Deg deg-Dowladda Puntland oo ciidamo horleh u dirtay xeebaha Qandala.

December 07 2016 (Puntlandes)-Dowladda Puntland ayaa lagu soo waramayaa inay ciidamo dheeraad ah oo kuwa badda ah u dirtay xeebaha degmada Qandala ee gobolka Bari.

Xalay ilaa saaka waxaa degmada Qandala kadhacay duqeyn xoogan oo lala beegsaday fariisimo ay leeyihiin Ciidamada Kooxda Daacish, iyadoona saaka loo qaday suxufiyiin xogaha kasoo gudbiya.

Hawlgalkan oo ay hoggaaminayaan saraakiil ciidan, madaxda gobolka Bari iyo mas’uuliyiin ka tirsan Golaha Wasiirrada Puntland, waxay ujeedadiisu tahay sidii kooxdaas looga sifeyn lahaa Qandala iyo
deegaanada kale ee hoos taga.

Ilaa hadda waxaa lasheegayaa in Daacish laga diley 11 katirsan hal gaarina laga qabsaday iyadoona ciidanka Puntland ay ka dhaawacmeen saddex askari.

About The Author