BREAKING NEWS: Ciidanka Dawlada Puntland oo gudaha u galay Degmada Qandala

7 dec 2016 (Puntlandes) Ciidamada Dawlada Puntland ayaa gudaha u galay Degmada Qandala ee Gobolka Bari, ka dib hawlgal balaaran oo lagu sifaynayey Maleeshiyadda Argagixisada ah ee Daacish oo ay wadeen Ciidanku maalmihii ugu dambeeyay.
226-3-1

Warbaahinta Puntlandes  ayaa ogaatay in Ciidanka ay la wareegeen Warshadii Kalluunka iyo Taawerka magaalada Qandala.

Khasaaro aad u faro badan ayaa Argagixisada Daacish ka gaaray hawlgalkaan ay Ciidanka Difaaca Puntland kaga Sifaynayeen deegaankaas oo ay si dhuumaalaydi ah kusoo galeen dabayaaqadii bashiir oktober 2016.

Faahfaahin kala soco Warbaahinta Puntlandes goor dhow

Puntlandes.com

About The Author