Dhagayso-Sawiro: Dowlada Puntland oo dhul siisay UNICEF si ay u dhisamayso Xaunteeda ugu wayn

Garowe (Pes) Madaxwaynaha Puntland Cabdwali Cali Gaas iyo  Madaxa UNICEF Somaliya Mr.Steven Lauwerier ayaa maanta dhagax dhigay xarun Hay’adda loogu deeqay oo ka danbaysay dhismaha xarunta Telefashinka dowladda (PTV).

Munaasiabdda dhagax dhiga waxaa kasoo qayb galay masuuliyiinta dowladda iyo madaxda hay’adda UNICEF, kuwaasoo u muuqday inay ku faraxsan yihiin hay’adda UN-ka inay xarumo ka samaysteen Puntland..

Madaxwaynaha Puntland Cabdiwali Cali Gaas ayaa ka hadlay sababta ay UNICEF xaruntooda ugu wayn uga dhigatay magalada Garowe ay tahay nabadgalyadda ka jirta Puntland.

Wuxuun ayri Dr Gaas ”Taa Micnaheedu waxa weeye in Garoowe ama Puntland ay noqonayso Xarun weyn oo Hay’addaha Qaramada Midoobey saldhigyo waaweyn kuleeyihiin, waxaan rajaynaynaa in Hay’addo kale oo badan oo UN-ka ah laftigooduna ku soo daba jiraan oo imaanayaan”

Mr.Steven Lauwerier oo ah masuulka UNICEF ee Somalia ayaa uga mahad celiyay madaxda Puntland iyo sida ay u garab taagan yihiin, wuxuna masuulkan sheegay in xaruntan loogu shaqayn doono xaalada hooyadda iyo dhalaankeeda.

Dowladdii hore ayaa WFP iyo WHO ugu deeqday dhulal baaxadleh kuwaasoo qayb ka ah wada shaqaynta Puntland iyo UN-ka.

Hay’addaha caalamiga ah ee Somalia ayaa u muuqda kuwo fariisimo cusub ka samaysanaya deegaanadda Puntland.

Halkan ka dhagayso


Sawiro
423

424

425

426

427

428

429

430

431

Puntlandes.com

About The Author