Guddiga Doorashooyinka oo Tartanka doorashada Aqalka Hoose ka reebay Wasiirkii Dhalinyarada (Akhriso)

7 dec 2016 (Puntlandes)  Guddiga doorashooyinka dadban ee heer Federaal ayaa war saxaafadeed ay goor dhow soo saareen waxay kaga hadleen muranka iyo gacan ka hadalkii ka dhashay doorashadii Kursiga Beesha Jidle ee yaalay magaalada Jowhar.

232-6c6a

War saxaafadeedka Guddiga oo uu ku saxiixnaa Avv. Cumar Dhagey ayaa ugu horeyn lagu faah faahin natiijada baaritaanka fowdadii ka dhacday Jowhar 18-kii bishii November, iyadoo labada musharax ee kursiga Beesha Jidle ku tartamayay lagu eedeeyay inay mas’uul ka ahaayeen shaqaaqadii dhacday.

Guddiga ayaa ku eedeeyay Wasiirka Dhalinyarada Mr Nuux uu ku lug lahaa fowdada ka dhacday hoolka doorashada, halka Musharaxa kale ee la tartamayay Cirro ay taageerayaashiisa bilaabeen rasaasta ka dhacday banaanka xarunta doorashada.

Waxaa uu Guddiga go’aansaday in labada Musharax laga reebo tartankan, sidoo kale waxaa uu faray Ugaaska Beesha Jidle in sida ugu dhaqsiyaha badan uu ku soo xulo ergo cusub.

Hoos ka akhriso War saxaafadeedka

232-6c5

232-6c6

Putlandes.com

About The Author