Shirkii Madasha oo laysku mari la’yahay iyo dowladda Puntland oo ku dhawaaqday Inaysan.
December 08 2016 (Puntlandes)-Wararka aan kahelayno magaalada Muqdisho ee xarunta dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in shirkii madasha qaran siweyn laysugu fahmi la’yahay kadib markii layska indhatiray cabashooyinkii kayimid dowladda Puntland.
Madaxweyne ku-xigeenka dowladda Puntland ayaa sheegay in dowladdu ay talaabo cad ka qaadanayso doorashooyinka Soomaaliya, haddii laysku dayo in la qabto doorashada xubnaha Aqalka Sare ee Soomaaliland.
Cabdixakiin Cabdullaahi Cumar ayaa wararku sheegayaaan in uu sheegay in haddii talaabadaas la qaado ay masuuliyada wixii ka dhasha qaadi doonaan Madaxda dawladda Faderaalka ee Soomaaliya.
Gudiga doorashada dadban ee heer federal ayaa shalay ku dhawaaqay in doorashada xubnaha aqalka hoose eek a imaanaya Sool, Sanaag iyo Buuhoodle kaga jira dhanka Soomaaliland maanta la dooranayo.