Akhriso Guddiga doorashada Dadban heer Puntland oo Asteeyey Qoondada Haweenka ee Aqalka Hoose ee ka imaanaya Puntland
8 dec 2016 (Puntlandes) Guddiga doorashada Dadban heer Puntland ayaa maanta Qoraal soo saaray oo uu ku shaaciyey in Doorashadu dib uga bilaabanayso Puntland ayaa Asteeyey Qoondada Haweenka ee Aqalka Hoose ee ka imaanaya Puntland.
Guddiga doorashada Dadban heer Puntland ayaa shaaciyey in 16 ka Kursi ee Doorashadoodu Axadda ka bilaabanayso Garowe ay 4 kursi oo ka mid ah Haweenku yeelanayaan. Guddiga ayaa sheegay in Beelaha hoose ay ka imaanyaan 4 ta Haweenka ah:
Majeerteen
- Cabdi Ciise/Cumar Maxamuud: 1 Xubin
- xxx/Cismaan Maxamuud: 1 Xubin
Dhulbahante
- Jaamac Siyaad/Maxamuud Garaad: 1 Xubin
- Ugaas xasan/Baha Nugaaleed: 1 Xubin
Akhriso Qoraalka Gudiga doorashada Dadban heer Puntland uu ku Asteeyey Qoondada Haweenka