Maalmaha tacadiyada Haweenka oo Galdogob laga xusay (Warbixin+Sawirro)
Waxaa magaaladda Galdogob laga xusay 16ka bari ee ka hortaga tacadiyada haweenka, Xuskaan oo la qabto sanadkasta mar, ayaa waxaa looga hadlaa arimo badan oo kala gadisan.
Kulankaan waxaa la isugu keenay haweenka qaybihiinsa kala gadisan, iyada oo haweenkii kasoo qaybgalay, ay waxbixino kala gadisan kasoo jeediyeen, kuwo ayaa ka hadlay dhacdooyin ay ka kulmeen, halka kuwo kalna ay ka hadlayeen, sidii xal loogu heli lahaa tacdiya, haweenka oo haatan sii yaraanaya.
Kiin Gaafaa oo ah gudoomiyaha ururka haweenka dagmada Galdogob, oo khudbad dheer soo jeedisay ayaa sheegtay, in ay haweenku markasta door muhiim ah ku leeyihiin hormarka wadanka, waxaana ay ku nuux nuuxsatay in ururka haweenku markasta baadi goob ugu jiro doorka haweenka.
kulankaan oo ay kasoo qayb galeen hooyooyin iyo dhalinyaro, ayaa waxbadan looga hadlay doorka haweenka, iyada oo la isku baraarujiyey in aan haweenku ilaawin xaqqa iyaga lagu leeyahay, ayna ilaaliyaan doorka ay ku ileeyihiin, Nabadda, Is dhexgalka iyo dhiiri galinta bulshada.
Haween badan oo kulanka kasoo qayb galay ayaa isku raacay in loo baahan yahay in la helo isku xiraan, iyo in ay haweenku si joogto ah isaga war hayaan meel kasta oo ay joogaan, sigaar ah waxaa ay haweenka Goldob ugu soo jeediyeen in Kulamada la joogteeyo, si aysan u dhicin in haweenku kala fur furto oo ay timaaddo iska warhayn la’aan.
Ugu danbayntii waxaa ay haweenku isku raaceen, in loo baahan yahy in la dar dargaliyo hor marinta haweenka, waxaana ay amaaneen doorka Wasaaradda haweenka, iyaga oo sheegay in laga filayo in ay wasaaraddu qabato in ka badan inta ay haatan dagmada ka qabatay, dawladduna xilbadan iska saarto sara u qaadida tayada iyo talada haweenka.
Daawo Sawirro.