Dhagayso: Dawlada Sacuudiga oo Joojisay in Xooliha Soomaaliya dalkeeda la keeno

9 dec 2016 (Puntlandes) Dawlada Sacuudiga ayaa Joojisay in Xooliha Soomaaliya dalkeeda la keeno iyadoo qoraal ka soo baxay Wasaradda Deegaanka, Beeraha iyo Biyaha ee Sucuudiga lagu sheegay in si ku-meel gaar ah ay dawlada sacuudigu u hakisay Xoolihii Soomaalida ee dalkaas loo Dhoofin jiray.
232-2a

Joojinta Xoolaha Soomaalida ayaa ku soo beegmaysa xilli meelo badan oo Soomaaliya ah ay ka jiraan abaaro ba’an oo saamayn ku yeeshay noloshii dadka reer Guuraaga ah, haddiiba tallaabadani sidaas u dhaqan gashona waxay sii adkaynaysaa xaaladda bini’aadanimo ee Soomaaliya ka jirta, taas oo madaxda Soomaalida iyo hay’adaha Caalamiga ahiga ay baaqyo ka soo saareen.

Dhagayso Warbixin ay VOA ka diyaarisay


Puntlandes.com

About The Author