Dhagayso: Cabdi Qaybdiid oo dagaal afka ah ku qaaday Puntland

Hogaamiyaha Maamulka Xaafada Baraxleey ee Koonfurta Magaalada Gaalkayo ayaa isagoo ka hadlaya xaflad loogu sameeyey magaalada Dhuusamareeb wuxuu dagaal afka ah ku qaaday Puntland.

Xildhibaanad Jawaahir Axmed Cilmi oo ka mid ah Baarlamaanka DFS oo goobta ka hadashay ayaa tiri iyadoo Qaybdiid faaninaysa ”… Runtii Qaybdiid waa geesi aad wada taqaaniin..nin kasta oo hawaysanaya oo isleh meel buu Mudug ka joogaa in uu tuso in uu Qabo TOL balaaran””

 

Qaybdiid ayaa isagoo eedeynaya dowlada Puntland wuxuu yir ”Waxay ku bixinayaan dhaqaale, waxay siinayaan wax magarato naga mid ah LBADA Gobol waxay siinayaan kuwa jidadka fariista, waxayna muujinayaan in aan nolol iyo xasilooni ka jirin”

Qaybdiid ayaa intaa ku daray isagoo sheegay in uu cadaynayo in Puntland hortaagan tahay dhismaha maamulkiisa wuxuuna yiri ”Maamulka Puntland wuxuu Carqalad ku yahay, wuxuu hortaagan yahay, wuxuu dhaqaale ku bixinayaa, wuxuu masabid ka sheegayaa, waxaan la qaadan karin ka faafinayaa LABADAN Gobol dhexdooda”

 

Qaybdiid ayaa eediisu ku salaysan tahay isku daygii isaga iyo Kooxda Villa Wardhiigleey ee xasan Culusoow madaxda ka yahay ay isku dayayeen in ay har cad boobaan Gobolka Mudug oo ah udubdhexaadka Puntland.

 

Halkan ka dhagayso Cabdi Qaybdiid

Puntlandes.com

About The Author